4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
SHIIKH XASAN DAAHIR AWAYS: “Waan caafimaad cabaa, berri ayaan shir jaraa'id qaban doonaa”


By Abdusalam M Jama

Washington

07-June-2009

Axad, June 07, 2009(HOL): Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaaam ee dagaalka kula jira xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay, isaga oo intaa ku dary in uu Isniinta subixii qaban doono shir Jaraa’id.

Sheekh Xassan Daahir Aways ayaa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da la hadalay saacado yar ka dib markii ay Wakaaladda Wararka ee Reuters ay tabisay warar sheegaya in laga yaabo in uu Sheekh Aways dhintay.

Reuters ayaa wararka ka soo xigay xubin ka tirsan qoyska Sheekh Aways iyo kooxaha taageersan dawladda oo sheegay in uu ku dhintay dagaal Jimcihii ku dhex maray dagaanka Wabxo.

Si kastaba ahaatee, Aways waxa uu sheegay in uu caafimaad qabo, maalinta barri ahna qaban doono shir Jaraa’id.

Shalay Sabtidii ayaa dagaallo ba’ani ka dheceen degaanka Wabxo ee bartamaha Soomaaliya.   Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalkaas oo socday laba maalmood ay ku dhinteen ugu yaraan 64 qof. 

Dagaalka ayaa ku dhexeeya kooxaha Alshabab iyo Xisbul Islam oo dhinac ah iyo ururka Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca oo dhinaca kale ah.

Hogaamiyayaal maxalli ah ayaa sheegay in tiro maydad ah lagu arkayo waddooyinka tuulada Wabxo.

Source: Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da