4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo sheegay in dagaalkii dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys

Axad, June 07, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu magacaabo Shariif Cali Axmed ayaa sheegay in dagaal dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shariif Cali Axmed oo u warramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaal xooggan oo gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay Deegaanka Wabxo uu salka ku hayay sida uu hadalka u dhigay sidii ay Xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-Shabaab ay u qaadan lahaayeen dhaawaca Shiikh Xasan Daahir.

“Dhaawaca Shiikh Xasan Daahir waxaa hadda lagu daweynayaan Xarunta Bisha Cas ee Degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud”ayuu yiri Shariif Cali Axmed oo intaas ku daray in dagaalkaas oo ahaa mid aad u xooggan uu geystay dhimasho iyo dhaawac aad u faro badan.

Haddaba iyadoo Afhayeenkan u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca uu sidan leeyahay ayaa haddana dhinaca kale waxaa jiritaanka warkaas beeniyay Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Mahdi oo sheegay in warkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna caddeeyay in Shiikh Xasan Daahir aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray.

Hadalladan is-burinaya ee ay sii daayeen Afhayeennada u kala hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo Xisbul Islaam ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo 24kii saacadood ee aanu ka soo gudubnay ay jireen warar magaalada Muqdisho la isla dhexmarayay oo sheegayay in Shiikh Xasan Daahir uu ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo dhexmaray Xoogag taabacsan Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin oo isku dhinac ah iyo Xoogag taabacsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya