4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
Qarax ka dhacay Isgoyska Nasiibuundo ee Degmada Shibis oo dhimasho iyo dhaawac geystay

Axad, June 07, 2009(HOL): Qarax xooggan oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa saaka wuxuu ka dhacay Isgoyska Nasiibuundo ee Degmada Shibis, iyadoo qaraxaasna uu sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartay.

Seddex ruux ayaa geeriyootay, seddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib markii sida la sheegay qaraxa oo loola dan lahaa gaari ay saaran yihiin Ciidamada Dowladda uu ku qarxay gaari ay saarnaayeen seddexda ruux ee geeriyootay.

Qaraxaas kaddib ayaa waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii isugu soo xoomay halka qaraxa uu ka dhacay.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa dhawaqiisa waxaa si weyn looga maqlayay xaafado ka fog degmada Shibis, wuxuuna si weyn u cabsi geliyay dadka degan nawaaxiga Isgoyska Nasiibuundo oo qaarkood markii ay dhawaqa qaraxa maqleen u maleynayay in uu madfac ku soo dhacay agtooda.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa indhawaalaba waxaa ka dhacayay qaraxyo, dilal iyo dagaallo, kuwaasi oo ay galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, ilaa iyo haatanna ma muuqato rajo ah in ay soo af-jarmayaan falalkaas ka dhanka ah nolosha bani’aadamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya