4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Elman oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho

Axad, June 07, 2009(HOL): Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo dalka Soomaaliya u soo jiidaya in ay mar kale ku soo noqdaan Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay, wuxuuna codsaday in dagaalladaas la joojiyo, isla makraana laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad waxaa uu intaas ku daray in intii karaankooda ah ay ku dadaali doonaan sidii dagaallada loo joojin lahaa, isagoo waxgaradka iyo dhammaan Culumaa’udiinkana ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dagaallada loo joojin lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) ayaa isna ku baaqay in dagaallada la joojiyo, wuxuuna dhinacyada dagaallada ugu baaqay in ay turaan dadka maatida ah ee ay dushooda ku dagaallamayaan.

Cali Fadhaa waxaa uu intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer dagaallo ku soo jiray aysan ka go’in dad kale oo ka dhinta, sidaas darteedna wuxuu ku cel celiyay in la joojiyo dagaallada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya