4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya oo beeniyay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo geliyeen Soomaaliya

Axad, June 07, 2009(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay ee hoosyimaada Dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay in dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay ka wadaan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wehlinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

Waxaa uu sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo sida uu hadalka u dhigay ay kooxaha sheegay ku beer-laxawsanayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in Ciidamada dhaqdhaqaaqyada ka wada xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin kuwo Soomaali ah.

“Haba yaraadaanee ma jiraan wax Ciidamo Itoobiyaan ah oo nala socda, waxa la sheegayana waa Ciidamo Soomaali ah oo doonaya in ay dib ugu noqdaan Gobollada Bay iyo Bakool”ayuu yiri C/fataax Geesey oo intaas ku daray in ay waqti kooban ku soo ceshan doonaan gacan-ku-heynta Gobollada Bay iyo Bakool.

Hadalka C/fataax Geesey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Shiikh Xasan Yacquub Cali oo ah Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo iyo Shiikh Xasan Mahdi oo ah Afhayeenka Xisbul Islaam ay sheegeen rag ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay Ciidamadii Itoobiya ku soo celiyaan Soomaaliya.

Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan uu Soomaaliya ku soo horkacayo Ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka hortagaan ciidamadaas ku soo socda.

Shiikh Xasan Yacquub Cali  ayaa isna sheegay in Degmada Doolow ay ka socdaan abaabullo ay wadaan rag ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay kala wareegeen Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada raggaas, ayna iska difaaci doonaan haddii ay soo weeraraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya