4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
Xukuumadda Somaliland oo xabsiga u taxaabtay dad xalay ka mudaharaaday Biyo-la’aan ku soo wajahday Hargeysa

Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Dadweyne gadoodsan oo u badan Dhalinyaro, ayaa shalay galabnimadii gaabnayd isugu soo baxay inta u dhaxaysa Garoonka weyn ee Kubadda Cagta (Hargeisa Stadium) iyo Cusbatalka Edna, oo ay ku gubeen Taayiro. Waxaanay ka cabanayeen Biyo-la’aan ay sheegeen inay la soo deristay. “Biyo-la’aan baanu ka cabanaynaa na barriinsatay oo soo noq-noqotay, Xaafadaha kale ee Magaaladaba qaarkood Biyaha way helaan. Laakiin, Anagu Biyaba ma aragno.” Sidaa waxa Weriye ka tirsan HOL oo halkaa ku sugnaa u sheegay mid ka mid ah Dhalinyaradii Mudaharaadayay oo ka gaabsaday in Magaciisa la shaaciyo. Waxaanu sheegay in ay soo noq-noqotay Biyo-la’aantani.

Muddo kooban ka dib markii ay dhalinyaradani isugu soo baxday Mudahaaradka, waxa goobta soo gaadhay Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaas oo Qoryo iyo Budad ku hubaysan, waxaanay isku dayeen inay kala dareeriyaan dhalinyaradan. Halkaana waxa ka dhashay buuq iyo inay is-wajahaan Dhalinyarta oo Dhagaxaan tuuraya iyo Ciidamada Booliska oo ku jawaabay Rasaas iyo xadhig. Isla markaana waxay qab-qabteen qaar ka mid ah dhalinyaradii Mudaharaadka samaynayay. “Waad aragtaa Weriye sida loo garaacayo ee Qori dabadii loola dhacayo  dhalinyarada ka cabanaya Biyo-la’aanta, taas ayaana keentay in aanu sii xoojino Mudaharaadkayaga.” Sidaa waxa HOL u sheegay Axmed Cabdi Cismaan oo ka mid ahaa dhalinyaradii Mudaharaadkaa ka qayb galay, waqti Koox Boolis ahi ku hawllanaayeen qab-qabashada qaar ka mid ah ka qayb-galayaashii Mudaharaadkaas.

Isku-daygii Masuuliyiinta:

Masuuliyiin ka mid ah Xildhibaannada Xaafaddaa laga soo doortay iyo Odayaasha Degmada Axmed Dhagax oo halkaa soo gaadhay ka dib markii uu Mudaharaadkaasi bilaabmay, ayaa isku dayay inay dejiyaan dhalinyarada Mudahaaradaayay, isla markaana ay ku qanciyaan inay kala hoydaan. Waxaanay u ballan qaadeen inay Biyo heli doonaan. Hase ahaatee, taas kumay guulaysan, ka dib markii ay Ciidamadu u adeegsadeen Rasaas. “Taliyaha Hawl-gelinta Cabdilaahi Fadal ayaa ii yeedhay oo yidhi, kaalay dadkan kala kaxee. Aniga oo kala kaxaynaya dadkii u mudaharaadayay waxay xaq u leeyihiin oo ah inay Biyo helaan, ayaa Anagii Xabbad nalagu furay oo waanu siganay. Markaanu Taliyaha (Cabdilaahi Fadal) u sheegayna, wuxuu yidhi Xabbad baanu ku kala kaxaynaynaa.” Sidaa waxa yidhi Xil. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada SL, kaas oo Weriyaha HOL goobtii Mudaharaadku ka socday kula kulmay. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Cabdilaahi Fadal waan kala hadlay Xabbadda dadka lagu riday, waxaanu iigu jawaabay Adigaaba soo abaabulay. Waxaan ku idhi Xaq baan u leeyahay inaan soo abaabulo, laakiin soo maan abaabulin. Balse, xaq baan u leeyahay inaan hor galo oo waxay doonayaan la doono, sababtoo ah waa Xaafaddii layga soo doortay. Qodobka 32aad ee Dastuurka ayaa I siinaya in ay dadku cabbiraan waxay doonayaan. Dadkani waxba may samayn, cidna may caayin ee waxay leeyihiin waanu Biyo-la’anahay. Hase ahaatee, markii aan isku dayay inaan dejiyo dadka, Xabbad baa lagala hor tegay.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Nacnac waxa uu baaq u jeediyay Xukuumadda. “Dadkani waxay ka cabanayaan oo ay ka muddaharaadayaan Biyo-la’aan, sababtoo ah Afar sanno-ba Biyo may helin dadku. Markay yidhaahdeen, waanu Biyo la’anahayna, xabbaddaas ayaa lagu furay oo lagala hor tegay. waa biyo-la’aan, wax alla wax ay haystaanna ma jirto oo sicir-barar baa u dheer. Markaa way isku soo baxeen oo waa dad danyar ah. Xukuumaddu dadku waa dadkeedii ee markay yidhaahdaan waanu Biyo la’anahay oo waxbaanu la’anahay aanay Xabbad kala hor tegin ee ay si wanaagsan loola hadlo.” ” ayuu yidhi Xil. Nac-nac.

Jawaabtii Maareeyaha Wak. Biyaha:

Inkasta oo xiisadda Mudaharaadkaasi sii taagnayd ilaa xalay abbaaro 11:00, haddana Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Eng. Khaliif  Cabdilaahi oo goobta Mudaharaadku ka dhacay ku sugnaa, ayaa isku dayay in uu qanciyo, isla markaana dejiyo dhalinyarada Mudaharaadka samaynayay. “Adeer hadday kala-horraysiinta dhibtu ka timi, hadda wixii ka dambeeya sideedii hore ayay ahaanaysaa oo Biyaha waad helaysaan galabnimada waqtigii aad heli jirteen.” Sidaa waxa yidhi Eng. Khaliif oo uu weheliyo Taliyaha Hawlgelinta Cabdilaahi Fadal, kaas oo la hadlayay Koox ka mid ah Dhalinyarada Mudaharaadka ka qayb galay. Hase ahaatee, mid ka mid ah Dhalinyaradaas ayaa weydiiyay Maareeyaha su’aal ahayd, “Maxay ku dhacday in aanu afartii maalmoodba, maalin helno Biyaha?” waxaanu ugu jawaabay, “Adeer Magaaladaba way ka jirtaa oo waa mid laga siman yahay. Hase ahaatee, hadda ayaabay idin soo gaadhayaan Biyuhu oo waad helaysaan”. Intaa ka dib, dhalinyaradaas oo u ekaa kuwo ku qanacsan hadalka Maareeyaha, ayaa kala dareeray. Inkasta oo uu waqtigaa sii jiray Raadka Mudaharaadkaasi.

Ka dib markii uu Maareeyuhu la hadlay Dhalinyaradaas, ayaa Weriyaha HOL uu waydiiyay Eng. Khaliif sababta keentay in dadkani mudaharaadaan iyo jawaabtooda ku aaddan arrintan, waxaanu ku jawaabay, “Adeer markii hore Xaafaddani iyada ayaa lagu soo horraysiin jiray Biyaha markii hore, hase ahaatee, waxa lagu soo horraysiiyay Xaafadaha Jaamacadda iyo Biibsiga oo iyagu galabtaba (shalay) way cabbeen oo Biyihii way u soo dhaceen, xaafaddana imika (xalay) intaynu joogno ayay u soo dhacayaan, meelaha qaarkoodna waabay soo gaadheen hadda.”
Gebo-gebo:

Inkasta oo aanay jirin Warar aanu helnay oo ku saabsan khasaare ka dhashay Rasaasta ay Ciidamadu rideen, haddana waxa jiray Dhaawacyo soo gaadhay dadweynihii Mudaharaadayay qaarkood markii Askartu qab-qabanaysay iyo sidoo kale dhaawacyo Dhagax sababay oo soo gaadhay qaar ka mid ah Ciidamada.

Isu-soo-baxyada lagaga cabanayo Biyo-la’aanta Xaafadaha Hargeysa, ayaa toddobaadyadii u dambaysay ku soo badanayay Xaafadaha Magaalada Hargeysa. Labadii Toddobaad ee tegay ayay ahayd markii Dadweyne ka gadooday Biyo-la’aan soo waajahday, ay Mudaharaad isugu soo baxeen, isla markaana ay Taayiro ku gubeen Xaafado ay ka mid tahay Xaafadda New Hargeisa ee Magaalada Hargeysa. kuwaas oo sheegay in muddooyinkii u dambeeyay aanay Biyo helin. Hase ahaatee, Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha ayaa ku adkaysanaya in inkasta oo ay Biyo-yaraani jirto, haddana aanay jirin Biyo-la’aan la sheegi karaa.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland