4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
Maamulka Islaamiga ah ee J/dhexe oo ka hadlay weerarro la sheegay in lagu soo qaadayo Gobollada bay iyo Bakool
Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya Magaalada Bu'aale ee Xarunta Gobolka J/dhexe ayaa saaka ka hadlay xaaladaha Dagaal ee laga cabsi qabo in ay ka qarxaan Gobolada Bay iyo Bakool.

Gudoomiyaha Gobolka J/dhexe Xuseen Cabdi Geedi oo saaka ka hadlay Arrimahaasi ayaa sheegay in ay Ciidamo u dirayaan Gobollada Bay iyo Bakool halkaasoo laga cabsi qabo in ay dagaallo ka qarxaan.
 
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay isla shaqeynayaan dhamaanba Maamullada Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta Wadanka Soomaaliya, waxkastoo dhacana ay u wada jirayaan ka hortagga ciidamada la sheegay in ay duullaanka ku soo yihiin.
 
Maamulka ayaa hadalkan shaaciyay kaddib markii la sheegay in ay xadka ka soo gudbeen Ciidamo wato gaadiidka Dagaalka oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaasoo ku soo wajahan gobolada Bay iyo Bakool sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaannada Qallaafe iyo Mustaxiil ee Dhulka Soomalida Galbeed ee wadanka itoobiya, halkaasoo Ciidamadani ay ka soo ambabaxeen.
 
Hadalka uu sii daayay maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli dagaallo culusi ay ka jiraan meelo ka mid ah Koonfurta Wadanka Soomaaliya ayna ka mid tahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolka G/gaduud, lamana oga sida ay wax noqon doonaan.
 
Hiiraan Online
Kismayo, Soomaaliya