4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Madaafiic Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha

Isniin, January 12, 2009(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu duqeeyay madaafiic ka soo dhaceysay dhinaca Xarunta Villa Somalia, waxayna madaafiicdaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Madaafiicda lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay geysatay khasaare dhimasho ah oo ku dhow 10 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha.

Intii aan Suuqa madaafiic lagu duqeynin ayaa waxaa jiray madaafiic lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeysay garaacista Suuqa Bakaaraha loo geystay.

Madaafiic ka gudubtay Xarunta Villa Somalia ayaa waxay ku dhaceen Barxaddii Yaasiin iyo meel u dhow Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamar-weyne, hayeeshee madaafiic inta la ogyahay cidna waxba kuma noqon.

Mar kasta oo Xarunta Madaxtooyada madaafiic lagu tuuro ayaa waxaa Suuqa Bakaaraha ku dhaca madaafiic jawaab ah, kuwaasi oo geysta khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo madaafiic lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada, kadibna madaafiic jawaab ah oo ka soo dhacday ay geysato khasaare dhimasho iyo dhaawac ah isugu jira, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale Suuqa loo duqeeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia