4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho ku laabtay

Isniin, January 12, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha KMG ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay dib ugu noqdeen Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu tegay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay waxaa uu kulamo la qaatay Saraakiil ka socotay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amisom ee Muqdisho ku sugan iyo mas’uuliyiin ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Kulanka uu Ra’iisal Wasaaraha la qaatay Saraakiisha Ciidamada Shisheeye ee Muqdisho ku sugan iyo Mas’uuliyiin ka socotay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa waxaa la sheegay in ay la xiriireen sugidda ammaanka Muqdisho iyo weliba sidii ay Ciidamada Amisom iyo Ciidamo ka socda TFG-da iyo ARS-ta ay ula wareegi lahaayeen ammaanka.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo si weyn loo hadal hayo in ay Ciidamada Itoobiya saacadaha soo socda ka baxayaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waa sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Guddiyada Ammaanka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu dhawaanahan  ku maqnaa dalalka Itoobiya iyo Kenya, halkaasi oo uu u tegay arrimo ku saabsan Xaaladda dalka Soomaaliya oo xiligan ah mid kala guur ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia