4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Madaxa Xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo sheegay in Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho xabad lagu joojiyay

Xuseen Siyaad Qoor-gaab
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxa xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay doonayay in ay ka baxaan fariisimo ay Muqdisho leeyihiin dagaal lagu joojiyay.

“Ciidamo Itoobiyaan ah oo isu diyaariyay in ay ka baxaan Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayay kooxo nabad-diid ah dagaal ku qaadeen, dib ayayna ciidamadaas ugu noqdeen xerooyinkii ay ka bixi lahaayeen”ayuu yiri Xuseen Siyaad Qoor-gaab.

Xuseen Siyaad Qoor-gaab waxaa uu intaas ku daray in uu dareemayo in ay jiraan dad aan rabin in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Dalka Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in markii Ciidamada Itoobiyaanka oo gaadiidkooda u raran yahay ay u soo baxeen  bannaanka xerooyinkii ay ku jireen xabad lagu bilaabay.

“Waxaan kula talineynaa kooxahaas in ay ogolaadaan in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, waxaana leenahay ha daadinina dhiigga shacabka Soomaaliyeed, wiil dambena yuusan ku dhiman dagaal macno darro ah”ayuu mar kale yiri Xuseen Siyaad Qoor-gaab.

Madaxa Xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Xuseen Siyaad Qoor-gaab waxaa uu intaas ku daray in marka ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay diyaar yihiin ciidamadii la dejin lahaa fariisimada ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia