4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Dagaal ka dhacay duleedka Baardheere

Isniin, January 12, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu duleedka Degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda.

Dagaalka oo ka dhacay Deegaanka Qalaliyow oo 20km u jira Degmada Baardheere ayaa wuxuu yahay mid dhinacyada uu u dhaxeeyo ay isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay sheegayaan Dad aan kala xiriirnay Degmada Baardheere weli waa waqti hore in la ogaado khasaaraha dagaalkan ka dhashay, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay in saraakiisha dagaalka horkaceysa ee labada dhinac ay ka gaabsanayaan in ay hadlaan, halka dadka deegaankana aanan weli wax war ah laga helin.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogag Islaamiyiin ah  jidka u galeen Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee la socda, kuwaasi oo xiliga la weerarayay lugeynayay.

Deegaanka Qalaliyow ee uu dagaalka ka dhacay ayaa wuxuu yahay dhul buuraley ah oo ay ku nool yihiin dad xoolo-dhaqato ah, waana deegaan ku dhow Webiga Jubba oo leh Dhul Daaq-sineed xoolo dhaqashada ku wanaagsan.

Wixii dagaalkan ku soo kordha kala soco halkan haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia