4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Xaaladda Degmada Guriceel oo degan kadib dagaal khasaare geystay oo shalay ka dhacay

Isniin, January 12, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka degan, iyadoo xalayna ay ku jirtay bandow ay ku soo rogeen xoogagga Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Degmadaas gacanta ku haya.

Dadka ku dhaqan Degmada Guriceel ayaa sheegay in xaaladda ay haatan degan tahay, inkastoo ay tilmaameen in ay jirto cabsi laga qabo in uu mar kale dagaal ka qarxo degmadaas oo dhawaanahan ay ku dagaallamayeen xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Degmada Guriceel waxaa shalay ka dhacay dagaal sababay dhimashada dad gaaraya 30 ruux iyo dhaawac intaas ka badan, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaallamayay oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn rasmi ahaan waxa ay isu dilayaan.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee uu dagaalkaas geystay waxaa jira burbur hantiyeed ee uu dagaalka sababay kadib markii madaafiic lagu garaacay Degmada, iyadoo sidoo kalena uu dagaalka sababay barakac aad u baahsan oo ku yimid dadkii halkaas ku noolaa, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwo horay uga barakacay dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.

Waxay ahayd markii afaraad ee uu dagaal ka dhaco degmadaas, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay isla dhinacyadii shalay ku dagaallamay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia