4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Dowladda Ghana oo sheegtay in ay Ciidamo u soo direyso Soomaaliya

Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee Dalka Ghana Mr. John Atta Mills ayaa u ballanqaaday Midowga Afrika in Dalkiisa uu si deg deg ah uga fiirsanayo in uu Ciidamo u diro Soomaaliya.

Howl-gallada nabad ilaalinta ah ee uu Midowga Afrika ka wado Soomaaliya ayaa si dhaqsi leh ugu baahan Ciidamo dheeraad ah oo la  sugidda ammaanka Dowladda jilicsan ee ka jirta Soomaaliya kadib marka ay dalka Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

Madaxa Diblumaasiyadda Midowga Afrika Jean Ping oo dhawaan booqday dalka Ghana, kana qeybgalay dhaarintii madaxweynaha cusub ee dalkaas ayaa sheegay in uu Dowladda Ghana ka helay ballanqaad dhaqsi ah oo ku aadan in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya.

“Xaaladda Dalka Soomaaliya waxay si caadi ah u noqotay mid laga walaaco”ayuu yiri Jean Ping oo dhawaahan ku mashquulsanaa booqashooyin uu ku kala bixinayo dalal dhowr ah oo Qaaradda Afrika ka tirsan, kuwaasi oo uu ka dhaadhicinayo in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya.

Ballanqaadyo kuwan la mid ah ayuu Mr. Jean Ping horay uga helay Dowladaha Nigeriga iyo Burkina Faso, inkastoo aysan caddeynin goorta ay Ciidamadooda u soo dirayaan Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaan weli ku guuleysan in uu soo dhameystiro Ciidamo uu u ballanqaaday in uu Soomaaliya u dirayo, kuwaasi oo tiradooda dhan tahay 8,000 oo Askari, waxaana hadda ka jooga Soomaaliya kaliya 3,200 oo Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda iyo Burundi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia