| Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed- (AP Photo/Khalil Senosi) |
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Dr. Cilmi Axmed Ducaale ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP in Madaxweyne Shiikh Shariif uu doonayo in uu booqdo Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan Magaalooyinka Minneapolis, Columbus iyo Washington D.C.
Danjire Cilmi Axmed Ducaale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu booqan doono magaalooyinkaas kaddib marka uu dhameysto ka qeybgalka Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasi oo sanad kasta la qabto marka la gaaro dhamaadka bisha September.
Kumaan kun oo Soomaali ah ayaa Mareykanka tegay 20 sano ee la soo dhaafay, iyadoo dadkii ugu horreeyayna ay halkaas tageen kaddib markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya sanadkii 1990-kii.
“Booqashada Madaxweyne Shiikh Shariif ee Mareykanka waxay leedahay labo ahmiyadood oo kala ah in uu marka hore u sheego Soomaalida Mareykanka ku nool xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya iyo mid kale oo ah in uu xusuusiyo in ay gacan ka geysan karaan soo celinta nabaddii iyo Qarannimadii Soomaaliya”ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Cilmi Axmed Ducaale.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Soomaalida Mareykanka ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo hay’adaha dabagalka Mareykanka ay sii wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan ciddii ka dambeysay in ay Soomaaliya dib ugu noqdaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood iyagoo ka dhinac dagaallamayay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab lagu dilay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya