
Bidix: Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Talyaaniga Danjire Nuur Cadde iyo Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano
Jimco, September 04, 2009(HOL): Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Haddaba Danjiraha oo aan la xiriirnay ayaa wuxuu nooga warramay qaabkii ay u dhacday xafladdii warqadaha aqoonsiga danjirenimo looga guddoomay, wuxuuna sheegay in ay Dowladda Talyaaniga maamuus aad u heer sareeya u sameysay, isla markaana isagoo jooga safaaradda gaari khaas ah oo ay ka babanayaan calamada Talyaaniga iyo Soomaaliya lagu qaaday, kaddibna lagu geeyay Xarunta Madaxtooyada Talyaaniga.
"Runtii Dowladda Talyaaniga ee aan saaxibada nahay waxay safaaradda Soomaaliya u sameysay maamuus aad u heer sareeyo, waxaana intii aan guda-gelin xafladda aan salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Baambeyda Talyaaniga"ayuu yiri Danjire Nuur Cadde oo sheegay in Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano uu si rasmi ah uga guddoomay warqadihii Danjirenimo ee uu ku magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, sidoo kalena uu ka guddoomay salaan uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya.
Mar aan weydiinay Danjiraha sida uu dareenkiisa yahay maadaama uu noqday Danjirihii ugu horreeyay oo ay Dowladda Talyaaniga si heer sare ah u aqoonsato tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore ayaa wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo noolaado xiriirkii iyo saaxibtinimadii labada dowladood u dhaxeeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu ku faraxsan yahay magacaabistiisa Danjirenimo ee Talyaaniga.
Danjire Nuur Cadde ayaa noqon doona Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Talyaaniga, sidoo kalena wuxuu noqon doonaa Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Midowga Yurub. Danjire Nuur Cadde ayaa sidoo kale noqonaya Danjirihii ugu horreeyay oo ay Dowladda Talyaaniga si rasmi ah u aqoonsato tan wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hor ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Talyaaniga ayaa markii laga guddoomay shalay warqadaha aqoonsiga danjirenimo wuxuu kaddib kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku dhaqan, iyadoo kulankaasna uu ahaa mid lagu maamuusayay safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo 19 sano kaddib dib u howl bilowday. Docda kalena uu kulankaas ahaa mid isbarasho ah.
Dowladda Talyaaniga oo si dhow ula socota arrimaha Soomaaliya, isla markaana laga talo-geliyo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ayaa waxay mar sii horreysay shaacisay in ay daneyneyso in ay dib u furato safaaraddeedii Muqdsho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa markii uu ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu kaalin weyn ku lahaa dib u heshiisiintii ay ku heshiiyeen Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradkii ka soo horjeeday ee uu guddoomiyaha u ahaa Madaxweynaha haatan ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaana la xusuustaa in Danjire Nuur Cadde uu tanaasulaad badan sameeyay intii ay socdeen wada hadalladii u dhaxeeyay Dowladdii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa iyo Mucaaradka ka soo horjeeday ilaa ugu dambeyntii habeenkii doorashada madaxweynenimada uu ka tanaasulay tartankaas.
Sidoo kalena, waxaa uu Danjire Nuur Cadde kaalin weyn ku lahaa in ay Dalka Soomaaliya ka baxaan Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Soomaaliya ku sugnaa mudadii labada sano ahayd, waxaana howlihii uu qabtay intii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Caalamka ka joogaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya