Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Ciidamada Ururka Xizbul Islaam ee ku sugan magaaladaas

Arbaco, September 30, 2009(HOL): Afhayeeenka maamulka Islaamiga ah ee magalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa saaka shaaca ka qaaday in ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada uu wato Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo muddooyinkii ugu danbeyay ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo.
 
Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu wado dagaal ku saleysan hab beeleed isagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo in ay ka qeybqaataan dagaalkaasi uu ku tilmaamay in uu yahay mid jihaad ah isla markaasina lagu difaacayo sida uu u yiri  diinta iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Kismaayo.
 
Sidoo kale Shiikh Xasan Yacquub ayaa ku celceliyay in ay bilaabi doonaan dagaalka isagoona ku adkeeyay dadka shacabka ah in ay ka qeyb qaataan dagaalkaasi, isagoona ku hanjabay in saacadaha soo socda aysan ku wada sugnaan doonin iyaga iyo Ciidamada uu hoggaaminayo Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)
 
Sheekh Xasan Yacquub ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in tan iyo intii ay soo galeen gudaha magaalada xoogagga uu horkacayo Axmed Madoobe ay dadka shacabka ahaa ka tageen waxyaabo badan oo diini ah oo horay ay maamulku u fareen, wuxuuna tusaale u soo qaatay  gabdhaha muslimka ah oo uu sheegay in ay gabi ahaanba dhigeen dharkii asturnaa iyo xijaabadii, tuugada iyo dilalka oo ku soo batay gudaha magaalada iyo waxyaabo kale oo aan waafaqsanayn ku dhaqanka shareecada islaamka waa siduu hadalka u dhigaye.
 
Hadalkani maanta ka soo yeeray afhayeenka maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa ku aadanaa dagaal ka dhan ah xoogagga Xizbul Islaam ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo uu ku soobeegmayaa xilli dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo gudaha magaalada, iyadoo saaka albaabada la isugu dhuftay dhamaan goobihii waxbarasho, kuwii ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqii magaalada ee la xiriiray dhaqdhaqaaaqa bulshada.

Waxaana iminka ay magaaladu gashay gabi ahaanba xiisad kacsanaan iyo jawi colaadeed ah, ayadoo la dareemayo diyaargarowga iyo tallaabooyinka militari ee ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya