Khamiis, September 03, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu maanta jawaab ka bixiyay farriintii uu xalay Amiirka Al-Shabaab u diray Maamulka iyo Shacabka Somaliland, taasi oo uu Amiirka ku sheegay in Maamulka Somaliland uu yahay mid riddo ah, isagoo shacabka Somaliland-na ugu baaqay in ay aayahooda ka tashadaan.
Afhayeenka Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in farriintaas ay ahayd mid sida uu hadalka u yiri lagu qalqal gelinayo gobollada nabdoon ee Waqooyiga Soomaaliya.
"Farriinta Axmed Godane waxay ahayd mid duuban oo aan toos ahayn, waxayna taasi muujineysaa in uu ninkaas yahay mid dhuumanaya oo aan dibadda isa soo taagi karin"ayuu yiri Afhayeenka Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Afhayeenka oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ku soo wargeliyaan talisyada Ciidamada Dowladda haddii ay arkaan Amiirka Al-Shabaab, wuxuuna caddeeyay in xitaa haddii loogu soo sheego meel aaney dowladda ciidamadeeda ku sugneyn ay ka soo qaban doonaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa saacado kaddib markii uu farriin cod ah oo uu soo duubay Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin laga sii daayay Idaacadaha Muqdisho, iyadoo farriintaasna ay ku socotay maamulka iyo shacabka Somaliland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Jaamacadda carabta oo sheegtay inay Ciidamo u direyso Soomaaliya
03/09/2009 7:14 PM EST
Khamiis, September 03, 2009(HOL): Jaamacadda Carabta ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo u direyso Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Midowga Afrika, kuwaasi oo caawinaya Dowladda Soomaaliya.
|
|
|
Dagaal maqribnimadii caawa ka dhacay Muqdisho
03/09/2009 1:12 PM EST
Khamiis, September 03, 2009(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Burundi ee fariisinka ku leh Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyoXoogag hubeysan oo ka soo horjeedaa ayaa wuxuu caawa maqribnimadii ka dhacay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.
|
|
|
|
|
Gaari safar ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Degmada Jowhar
03/09/2009 5:53 AM EST
Khamiis, September 03, 2009(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday gaari marayay Kelliga Shiinaha oo u dhexeeya Jowhar iyo deegaanka Buurane, iyagoo halkaas ku dilay hal qof, qof kalena dhaawac culus gaarsiiyay.
|
|
|
|
|
|
|
|