
Madax Idaacadeed oo Muqdisho lagu dilay-Bidix ka bilow: Cali Iimaan Sharma-arke, Bashiir Nuur Geedi, Mahad Axmed Cilmi, Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Siciid Tahliil Axmed
Arbaco, 16 September 2009 (HOL): Tan iyo markii ay si weyn u kordheen dhibaatooyinka ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda laga soo bilaabo bishii Janaayo ee 2007-da, gaar ahaan dilalka lala beegsanayo wariyayaasha ayaa waxaa dalka ka barakacay wariyayaal badan, kuwaasi oo qaaarkood loogu hanjabay in la dilayo, halka kuwo kalena ay dalka ka baxeen iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan balse go’aansaday in ay saaxibadooda loo hanjabay raacaan si ay u helaan magangalyo ama ugu badbaadaan.
Wariyayaashan oo bilaabay in ay dalka ka baxaan markii ay Ciidamada Itoobiya soo galeen, gaar ahaan markii la dilay Wariye Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharma-arke oo ka tirsanaa Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik iyo Bashiir Nuur Geedi oo guddoomiye ku xigeen ka ahaa Idaacadda Shabelle.
Wariyayaashii ugu horreeyay ee markaas dalka ka baxay, isla markaana si dhaqsi ah magangalyo u helay ayaa waxay ahaayeen Xasan Shiikh Axmed Cadde oo Horn Afrik ka shaqeynayay, isla markaana ay dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca shaqadiisa ah ay la soo gudboonaadeen iyo C/qaadir Cashir Nadaara oo Soomaaliya wakiil uga ahaa TV-ga Universal, isla markaana xarig ay u geysatay Xukuumaddii TFG-da ee xiligaas jirtay.

Sidoo kale waxaa dalka ka baxay wariyaashii ugu wanaagsanaa marka loo eego xirfad ahaan kuwaasoo si weyn loo tababaray. Waxaana ka mid ah wariye Max’ed Cabdi Faarah (Afgooye) oo u shaqeynaayay idaacadda Shabelle, Cabdullaahi Jaamac oo isaga ka shaqeynaayay Idaacada Hornafrik iyo wariye Shaadiya Muxumad Cabdi oo iyadana ka tirsaneyn idaacada Capital Voice. Sidoo kale waxaa ka horeeyay oo dalka khatar naftiisa ah kaga tagay wariye Maxamned Amiin Cadow oo agaasime ka ahaa idaacadda Shabelle kaasi oo hadda ku nool dalka Sweden.
Markii ay wariyayaashaas dalka baxeen kaddibna ay nasiib u heleen in ay tagaan Dalalka Ingiriiska, Holland iyo Sweden ayaa waxaa wariyayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ka howlgelayay Magaalada Muqdisho waxaa ku bilowday rabitaan ah in ay iyana dalka ka baxaan kaddibna ay raadsadaan fursad ay ku heli karaan dalalka Yurub iyo Mareykanka si ay naftooda u badbaadiyaan.
Wariyayaasha xiligaas baxay waxa ay isugu jireen kuwo duruufo dhinaca shaqada ah ay la soo gudboonaadeen, halka kuwo kalena uu hayay damac ah in ay magaca saxaafadda ku helaan safar ay ku tagaan dalalka Yurub iyo Mareykanka. Qolodan dambe oo aan saxaafadda intii ay ku jireen iska yar tahay, haddiiba ay ku jireen, ayaa ka badan suxufiyiinta dhabta ah ee dhibaatada ka soo cararay.
Markii ay kacday mowjadda socdaalka wariyayaasha waxaa soo baxay dhalinyaro badan oo wiilal iyo gabdho isugu jiray, kuwaasi oo iyagoo aan wariyayaal ahayn dalka dibaddiisa kula midoobay wariyayaashii dalka ka qaxay, waana tan keentay in haatan la kala garan waayo wariyayaasha saxda ah iyo kuwa aan saxda ahayn, waa marka ay timaado in la isku dayo in wariyayaashaas wax loo qabtee.
Waxaa iyana nasiibka u saamaxay in ay magangalyo ka helaan dalal Yurubta ka tirsan waxaa ka mid ah Maxamed Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdulle Siidii, oo dalka Sweden ku nool, C/shakuur Cilmi Xasan, Maxamed Sandiir, Maxamed Qadaafi, C/weli Ibraahim Garyare, Fardowso Maxamed Cabdulle Tinna iyo kuwo kale oo haatan ku nool dalka Holland.
Wariyayaasha badankood waxay heleen fursado ay ku tageen dalalka Yurubta, waxaana kuwii ugu dambeeyay ee Yurubta galay ka mid ah Fardowso Kuuriya, C/raxmaan Xudeyfi, C/risaaq Shiikh Adduun, Mowliid Xaaji Cabdi, Bile Gurxan, C/llaahi Taajirow iyo kuwo kale oo qaarkood ay galeen Yurubta iyagoo aan la kulmin wax hanjabaad ah.
Waxaa kaloo jira wariyayaal iyana ogolaasho magangalyo ah ka helay UN-ka kuwaasi oo dalka Mareykanka la geeyay, waxaana wariyayaashaas ka mid ah Xuseen Qaasim Nuur Shiikha, Cabdi Yare, C/naasir Maxamuud Cumar Zero iyo kuwo kale, halka ay jiraan kuwo kale oo iyana jawaab ka sugaya UN-ka. Waxaa iyana qaabkaas oo kale lagu qaaday labo Wariye oo hadda ku nool Australia, kuwaasi oo kala ah Baabur Nuur iyo Xasan Kalkata.
Wariyayaasha ugu badan ee dalka ka qaxay waxay haatan joogaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waa intii aanan helin fursad ay Kenya kaga sii baxaan oo ay ku tagaan dal seddexaad. Dalka Uganda oo wariyayaasha jooga ay ka yaraayeen kuwa Nairobi ayaa haatan waxaa gaaray wariyayaal badan, kuwaasi oo dhawaan Muqdisho ka cararay kaddib markii ay hanjabaado soo gaareen.

Wariyayaasha Kampala jooga--Bidix ka bilow:Nimco Cabdi Xasan, Sahro Yuusuf, Mohamed Odawaa, Ibrahim Jeekey, Elmi Osman Farah, Bashir Diriye Naaleye, Ahmed Sadaq, Cumar Nuur Guutaale iyo Ahmed Omar Hashi
Wariyayaashii ugu dambeeyay ee Magaalada Kampala gaaray waxaa ka mid ah: Nimco Cabdi Xasan, Sahro Yuusuf, Mohamed Odawaa, Ibrahim Jeekey, Elmi Osman Farah, Bashir Diriye Naaleye, Ahmed Sadaq, Cumar Nuur Guutaale iyo Ahmed Omar Hashi. Wariyayaashan oo caawimaad ka hela hay’ado u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa waxaa haatan loo saamaxay inay helaan nolol wanaagsan iyo waxbarasho, waxayna dhigtaan Jaamacadda Makrere University. Xagga nolosha waxaa ka saacidda Hay’adda NUSOJ oo kaashaneysa Hay’adaha IFJ iyo NED, halka Waxbarashadana ay ka saaciddo Hay’adda East and Horn of Africa Human Rights defenders Network.
Wariyaasha Nairobi oo ah kuwa ugu badan ayaa haddana waxaa dhibaato ku noqotay in ay fursadihii ay heli lahaayeen ay ku ciriiriyeen dhallinyaro faro badan oo aysan jirin meel ay ka shaqeeyeen oo saxaafad ku shaqo leh. Goor dhoweyd mar aan tagay Nairobi ayaa waxaa dhalinyaradan loo baxiyay magac ah International Community ama Bulshada Caalamka, waxaana la arkaa iyagoo intey is-uruursadaan marba meel u socda, gaar ahaan marka ay jiraan shirarka iyo isu imaatinnada saxaafadeed.
Waxaa iyana xusid mudan oo jira wariyayaal aan weli dalka ka bixin hayeeshee shaqo joojin sameeyay wixii ka dambeeyay markii la dilay Agaasimihii Horn Afrika Saciid Tahliil Axmed iyo Agaasimihii Shabeelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe. Wariyayaashan shaqo joojinta sameeyay oo ahaa kuwo laf-dhabar u ahaa hay’ado warbaahineed oo Muqdisho ku yaalla waxay u kala baxeen kuwo dalka ka baxay iyo kuwo weli baaqi ku sii ah hayeeshee guryahooda iska jooga. Wariyaashan ayaa waxaa dhiirigeliya ururka NUSOJ oo soo gaarsiiyay kaalmo niyad dhis ah.
Haddaba waxaa la isweydiin karaan yey tahay cidda caawisa Wariyayaashan dalka Soomaaliya nabadgelyo la’aanta uga cararay?. Su’aashaas waxaa hordhigay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan, wuxuuna sheegay Cumar Faaruuq in ay Wariyayaashaas caawiyaan Hay’ado ay ka mid yihiin IFJ, RSF, CPJ, NUSOJ, Freedom House, NED, East and Horn of Africa Human Rights Defenders Network, inkastoo uu xusay in kaalmooyin badan oo Suxufiyiinta la siin lahaa ay hakad geliyeen dad badan oo aan wariyayaal ahayn, kuwaasi oo mar kasta oo la doonayo in wariyayaasha wax loo qabto isku daya in ay fowdo abuuraan ama u qoonsada kistii yareyd ee loogu talagalay suxufiyiinta dhabta ah.
Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in suxufiyiinta dhexdooda ay isyaqaaniin, sidaasi darteedna wariyayaasha saxda ah ee dalka Soomaaliya ka soo cararay wax loo qaban doono, haatanna lagu howlan yahay sidii loo kala saari lahaa wariyayaasha saxda ah iyo kuwa wariyayaasha soo raacay ee aan ka tirsaneyn bahda Saxaafadda.

Wariye Cabdixakiin Cumar Jimcaale oo gacantiisa ay burburisay rasaas lagu toogtay
Cumar Faaruuq oo waqtigan haya guddoomiyanimada suxufiyiinta qaarada Afrika (FAJ) waxaa sidoo kale uu sheegay in wariyayaasha dhabta ah ee loogeystay dhibaatada lixaadka leh ay ka mid yihiin Cabdixakiim Cumar Jimcaale oo si weyn uga dhaawacan gacanta, Axmed Cumar Xaashi oo isna dhaawac ka soo gaaray gacanta iyo caloosha iyo Cabdifataax Cilmi Dheere oo isagana afduub loogu haystay magaalada Muqdisho muddo 146 maalmood ah, halka ay jiraan kuwo iyana naftooda la dhaafiyay.
Mar aan weydiiyay Cumar Faaruuq sida uu yahay xaalka warbaahinta Soomaaliya ayaa ku tilmaamay warbaahinta Soomaaliya Qof Socda oo Dhiig La’aan ah, maadama wariyaashii waxgalka ahaa ka tageen. Sanadkan oo kaliya waxaa Soomaaliya lagu dilay 6 wariye, waxayna Soomaaliya noqotay sanadkan 2009-ka dalka ugu badan ee lagu dilo saxafiyiin howlahooda shaqo ku jiray iyo kuw la bartilmaameedsaday.
Ugu dambeyntiina, waxaa xusid mudan in Hay’adihii warbaahineed ee ay ka tageen wariyayaasha dalka ka baxay iyo kuwa shaqo-joojinta sameeyay ay haatan ka shaqeynayaan dhalinyaro aad u da’ yar oo badankood soo baxeen wixii ka dambeeyay markii ay bilowdeen tacaddiyada naxariis darrada ah ee loo geysanayo wariyayaasha Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya