| |
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kaddib markii maalmihii aynu soo dhaafnay deeganno ka tirsan Goballka Hiiraan uu kulamo kula soo qaatay Saraakiisha sar sare ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin. Guddoomiyaha ayaa markii uu soo gaaray Magaalada aan wax war ah siinin Warbaahinta waxaana uu markiiba kulan kula qaatay Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan Saraakiil ka tirsan Maamulkiisa kuwaas oo loo maleynayo in uu kala hadlayay arrimo la xiriira Nabad-galyada iyo waxyaabihii looga wada hadlay kulan dhawaan ka dhacay degmada Maxaas. Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo horay u shaaciyay in maamulkiisu ka madaxbanaan yahay Dowladda Soomaaliya, ayaa hadda u muuqda Mas'uul gacan saar wanaagsan la leh Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isaga oo dhawaan degmada Maxaas kula shiray Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab . Ugu danbeytii dib ugu laabashada Magaalada Beledweyne ee Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa ku soo beegmeysa xili Magaalada ay dibadda uga maqan yihiin Saraakiishii Maamulka uga Wakiilka ahaa Dowladda Soomaaliya sida Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi, Gen, Muqtaar Xuseen Afarax, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Aadan Cabdi Ciise (Garaaso), waxaana xusid mudan in dhawaan Wareysi uu siiyay Laanta VOA Gen, Muqtaar Xuseen Afarax uu ku sheegay in uusan aqoonsaneyn Maamulka uu Guddoomiyaha ka yahay Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow dhawaanna ay tagi doonaan isaga iyo Ciidamadiisa Magaalada Beledweyne. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com
Xarakada Al-Shabaab oo dagaalyahanno Ajnabi ah u wacatay Dowladda Soomaaliya
16/09/2009 6:18 PM EST
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya ku sugan ayaa soo saaray baaq guud oo uu u jeediyay dagaalyahannada ajnabiga ah meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, kuwaasi oo uu ku casuumay in ay soomaaliya yimaadaan ayna la dagaallamaan Dowladda Soomaaliya.
|
|
|
|
|
|
|
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Dibad Joogga ah iyo kuwa magangalyada helay
16/09/2009 10:31 AM EST
Arbaco, 16 September 2009 (HOL): Tan iyo markii ay si weyn u kordheen dhibaatooyinka ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda laga soo bilaabo bishii Janaayo ee 2007-da, gaar ahaan dilalka lala beegsanayo wariyayaasha ayaa waxaa dalka ka barakacay wariyayaal badan, kuwaasi oo qaaarkood loogu hanjabay in la dilayo, halka kuwo kalena ay dalka ka baxeen iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan balse go’aansaday in ay saaxibadooda loo hanjabay raacaan si ay u helaan magangalyo ama ugu badbaadaan.
|
|
|
Ururka Xisbul Islaam oo beeniyay in ay wada hadal kula jiro Dowladda Soomaaliya
16/09/2009 5:35 AM EST
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Xisbul Islaam ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu shalay sii daayay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Shiikh Daahir Maxamuud Geelle, kaasi oo ahaa in uu wada hadal u socdo Dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam.
|
|
|
|

|
|
 |
|
|
|
 |
Egypt’s mufti says women can wear trousers
- Taragana
16/09/2009 2:35 PM EST
CAIRO — Egypt’s top Islamic authority defended women’s rights to wear trousers in public following a high profile court case in neighboring Sudan were women were flogged for dressing in pants, the local press reported Wednesday.
|
Al-Shabaab Denies Death of Al-Qaedi Suspect
- HOL
16/09/2009 2:31 PM EST
Spokesman for Al-Shabaab movement in Somalia Sheik Ali Mohamud Raage (Sheik Ali Dheere) has told reporters that Saleh Ali Saleh has not died but was taken away by US commandos while injured.
|
Slain Somali suspect's mother demands to see body
- AP
16/09/2009 9:29 AM EST
MOMBASA, Kenya — The mother of a top al-Qaida fugitive who was killed in a U.S. raid in Somalia is demanding to see her son's body.
|
Analysis: Al-Qaida death a blow to terror group
- AP
16/09/2009 9:15 AM EST
WASHINGTON — The death of a key al-Qaida leader in a daring helicopter assault in Somalia strikes a blow to the terror group's operation there, but it could also trigger a new spate of attacks on Western targets.
|
Slippery Slope in U.S. Somali Relations
- AfricaFocus
16/09/2009 9:13 AM EST
Washington, DC — A U.S. commando raid in Somalia on Sept. 14 reportedly killed Kenyan Saleh Ali Saleh Nabhan, accused of links with al-Qaeda and of responsibility for a terrorist truck bomb at a Mombasa hotel in 2002. It is being applauded as a win by U.S. counter-terrorism officials, not least for its success in avoiding civilian casualties.
|
Egyptian police kill two Eritreans at Israel border
- Reuters
16/09/2009 9:08 AM EST
ISMAILIA, Egypt (Reuters) - Egyptian police shot dead two Eritrean migrants trying to cross into Israel on Wednesday, bringing to 14 the number of migrants killed in an upsurge of border violence since May, security forces said.
|
Somali rebels call for foreign reinforcements
- Reuters
16/09/2009 9:06 AM EST
MOGADISHU, Sept 16 (Reuters) - Somalia's al Shabaab insurgents called on Wednesday for more foreign militants to join them in the failed Horn of Africa state after U.S. forces killed one of the region's most wanted al Qaeda suspects.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|