|
|
Guddiga Abaaraha Puntland oo baaq u diray Hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Labadii maalmood ee ugu dambeysay ayaa guddiga abaaraha maamul goboleedka Puntland, waxa uu kulan kula qaadanayay xarunta gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka, si ay u ogaadaan heerka abaaraha gobolku gaarsiisan yihiin. Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug waxay uga warbixiyeen guddiga halka uu xaalku marayo iyo weliba meelaha ugu daran ee ay abaaraha ka jiraan, si haddii gargaar la gaarsiinayo dhaqsi loogu wajho. Abaarahan ayaa sida ay sheegayaan mas’uuliyiin maamulku waxa ay xataa saamayn ku sheegeen magaalooyinka gobolka Mudug, sida magaalada Galkacayo iyo Xarfo, halkaasoo ay ku sugan yihiin dad ku xoola beelay abaarta gobolka ka jirta. Waxaa kaloo ay maamulka gobolka Mudug u sheegeen guddiga abaaraha in ay jiraan dad laga cabsi qabo in ay tuulooyinka qaar ee hoostaga gobolka u dhintaan harraad dartiis, sababtaas oo ay ku sheegeen in ay dadka abaartu hayaan ay laasteen Baraagihii biyaha laga dhaamin jiray. . Guddiga abaaraha ayaa markii uu kulankaas dhamaaday kaddib waxay baaq u direen Jaaliyadda Puntland iyo hay'adaha caalamiga kuwaasi oo ay ka codsadeen in ay gurmad la soo gaaraan , gaar ahaanna raashin iyo biyo ay la soo gaaraan. Qaylo dhaantan guddigan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay xoolo ilaa 30 Geel ah gaaraya ugu bakhtiyeen abaaro dartood galbeedka gobolkan oo ay si ba'an isna ay u saamayasay abaartu. Maxamed Cali Royter maxamedroyter@hotmail.com Garoowe, Soomaaliya
 |
 |
 |
|
|
|
9/16/2009 6:18 PM EST
|
|
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya ku sugan ayaa soo saaray baaq guud oo uu u jeediyay dagaalyahannada ajnabiga ah meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, kuwaasi oo uu ku casuumay in ay soomaaliya yimaadaan ayna la dagaallamaan Dowladda Soomaaliya. |
|
|
9/16/2009 1:16 PM EST
|
|
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Madaxa Warfaafinta maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo galabta saxaafadda kula hadlayay xafiiskiisa Degmada Kismaayo ayaa ugu baaqay dadka degan dhismayaasha dowladdii hore ee Soomaaliya in ay isaga guuraan goobahaasi isla markaana ay u tabaabusheystaan goobo kale oo ay dagaan. |
|
|
9/16/2009 10:44 AM EST
|
|
Arbaco, 16 September 2009 (HOL): Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID, ayaa baaq u diray Shacabka Somaliland iyo Beesha Caalamka. Waxaanay soo dhaweeyteeen dedaalada lagu doonayo in lagu xallilo khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka ka taagan. |
|
|
9/16/2009 10:42 AM EST
|
|
Arbaco, 16, Sep, 2009 (HOL) Warar Madaxbannaan oo si weyn loogu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan qas iyo jahwareer kaddib markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya degmada Buula-burte ishortaag ku sameeyeen Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam. |
|
|
9/16/2009 10:31 AM EST
|
|
Arbaco, 16 September 2009 (HOL): Tan iyo markii ay si weyn u kordheen dhibaatooyinka ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda laga soo bilaabo bishii Janaayo ee 2007-da, gaar ahaan dilalka lala beegsanayo wariyayaasha ayaa waxaa dalka ka barakacay wariyayaal badan, kuwaasi oo qaaarkood loogu hanjabay in la dilayo, halka kuwo kalena ay dalka ka baxeen iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan balse go’aansaday in ay saaxibadooda loo hanjabay raacaan si ay u helaan magangalyo ama ugu badbaadaan. |
|
|
9/16/2009 5:59 AM EST
|
|
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa sheegay in uusan dhiman Saleh Cali Saleh Nabhan oo ay Ciidamada Mareykanka dhawaan ku duqeeyeen deegaanno ka tirsan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose. |
|
|
9/16/2009 5:35 AM EST
|
|
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Xisbul Islaam ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu shalay sii daayay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Shiikh Daahir Maxamuud Geelle, kaasi oo ahaa in uu wada hadal u socdo Dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam. |
|
|
9/16/2009 5:35 AM EST
|
|
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kaddib markii maalmihii aynu soo dhaafnay deeganno ka tirsan Goballka Hiiraan uu kulamo kula soo qaatay Saraakiisha sar sare ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
9/16/2009 2:35 PM EST
|
|
CAIRO — Egypt’s top Islamic authority defended women’s rights to wear trousers in public following a high profile court case in neighboring Sudan were women were flogged for dressing in pants, the local press reported Wednesday. |
|
|
9/16/2009 2:31 PM EST
|
|
Spokesman for Al-Shabaab movement in Somalia Sheik Ali Mohamud Raage (Sheik Ali Dheere) has told reporters that Saleh Ali Saleh has not died but was taken away by US commandos while injured. |
|
|
9/16/2009 9:29 AM EST
|
|
MOMBASA, Kenya — The mother of a top al-Qaida fugitive who was killed in a U.S. raid in Somalia is demanding to see her son's body. |
|
|
9/16/2009 9:15 AM EST
|
|
WASHINGTON — The death of a key al-Qaida leader in a daring helicopter assault in Somalia strikes a blow to the terror group's operation there, but it could also trigger a new spate of attacks on Western targets. |
|
|
9/16/2009 9:13 AM EST
|
|
Washington, DC — A U.S. commando raid in Somalia on Sept. 14 reportedly killed Kenyan Saleh Ali Saleh Nabhan, accused of links with al-Qaeda and of responsibility for a terrorist truck bomb at a Mombasa hotel in 2002. It is being applauded as a win by U.S. counter-terrorism officials, not least for its success in avoiding civilian casualties. |
|
|
9/16/2009 9:08 AM EST
|
|
ISMAILIA, Egypt (Reuters) - Egyptian police shot dead two Eritrean migrants trying to cross into Israel on Wednesday, bringing to 14 the number of migrants killed in an upsurge of border violence since May, security forces said. |
|
|
9/16/2009 9:06 AM EST
|
|
MOGADISHU, Sept 16 (Reuters) - Somalia's al Shabaab insurgents called on Wednesday for more foreign militants to join them in the failed Horn of Africa state after U.S. forces killed one of the region's most wanted al Qaeda suspects. |
|
|
|