Dowladda Shiinaha oo cafisay deyntii ay Soomaaliya ku lahayd


Bidix: Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya-Maxamed Cusmaan Edson iyo Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya -Deng Hongbo


Talaado, October 06, 2009Dowlada  Soomaliya ayaa maanta waxay sheegtay in dhamaan deymihii dalweynaha Shiinaha uu ku lahaa dalka in laga cafiyay kaddib heshiis ay  kala saxiixdeen labada dowladood. Deynta laga cafiyay Soomaaliya ayaa gaareysaa 119 milyan oo doollar.
 
Heshiiska oo ay saxiixeen qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cismaan Edson  iyo safiirka dowlada Shiinaha u qaabilsan dalalka Somaaliya iyo Kenya,  Deng Hongbo oo ka dhacay safaarada Shiinaha ee magaalada Nairobi ayaa Somalia looga cafiyay deymo soo taxnaa in ka badan nus qarni.

Shiinaha ayaa waxuu sidoo kale ugu deeqay Somaaliya deeq kale oo isugu jirta lacag iyo daawo oo qiimaheedu uu ka badan yahay milyan barkiis.
 
Xafladda lagu saxiixay heshiiska kaddib ayaa Edson wuxuu saxaafada Soomaalida oo kula kulantay safaarada Shiinaha uu u sheegay in muhiimadda heshiiska aysan aheyn lacag yar oo dowladda la siiyay, balse ay ku guuleysteen in Shiinaha ay ka cafiyaan deymihii ay dalka ku lahaayeen.
 
“deeq shuruud la’aan ah iyo in nala ka cafiyo deyntaan culeyska badan oo aanan awoodin inaan dib u bixino, waa guul ummadda u soo hoyatay”ayuu yiri qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya
 
Lacagta dowlada lasiiyay ayaa la marsiin doonaa shirkada Price-water Coopers, oo dhawaan dowlada Soomaaliya ay heshiis kula gashay in ay maamusho lacagaha dowlada maadaama hay’adaha lacagta ee Soomaaliya aysan u qaabeysneyn inay maamulaan hantida qaranka.
Qunsulka ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in dalalka kale ay maraan waddada Shiinaha oo ay ka cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin dalka. Heshiiskan ayaa qeyb ka ah Isfahan u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha oo ay isaga kaashanayaan dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamda oo la gaaray sanaddii 2007-da.
 
“Tani waa deeqsimo uu la yimid dalkan (Shiinaha), laakin Soomali ahaan waxaa na laga rabaa inaan u istaagno inaan kasbanno dunida oo aan u sheegno in nala ka cafiyo wixii nala ku leeyahay”ayuu yiri Edson. Dowladda Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsatay in Shiinaha ay yihiin muhiimad weyn oo iskaashi dhaqaale ee Soomaaliya ay la yeelato dalalka dibadda markii ay nabada xasiliso.


Abdiaziz Hassan
[email protected]
Nairobi-Kenya