![]() |
| Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimmaha Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah |
“Waa in si fiican loo habeeyaa loona xoojiyaa ciidamadda nabadgelyadda. Guulo waa weyn ayaa la gaaray wixii ka dambeyey isku-daygii afganbigii dhicisoobay ee 7dii May 2009 lala damacsanaa dowladda Soomaaliya, laakiin haddana waxaa loo baahan yahay in dadaalka la kordhiyo si wax intaa ka badan loo qabto” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ould Abdallah.
Mudane Ould-Abdallah wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dhiso ciidamo tayo- xirfadeed leh, amni ahaanna aad u habeeysan - ugu danbeynta Bisha August 2011, waqtigaas oo ku aadan wakhtiga uu dhamaanayo xilliga Dawladda ku Meel Gaarka ah.
“Haddii si fiican loo adeegsado, waqtiga aan soo sheegnay waa waqti macquul ah, dibna loogu dhisi karo qeybaha ciidamada Soomaaliyeed. Dhamaantanada waxaan halkaan u joognaa in aan kaalmo geysano, umana joogno in aan daraasad sameyno ama dib u dhigno wixii kaalmo ah ee nooga soo aadi lahaa hawsha sida wadajirka ah ay u wada qabanqaabiyeen Soomaaliya iyo bulshada caalamka”ayuu mar kale yiri Ould Abdallah
Waxaa kale oo Ergaygga Gaarka ah ku guubaabiyey bulshada caalamka ee ku shaqeyseysa Neyroobi in ay diiradda saaraan ka shaqeynta arrimmaha muhiimka ah sida
arrimmaha nabadgelyada, kaalmada bini-aadannimo, xaquuqul insaanka, hurumarka, gaar ahaan abuurista shaqooyinka.
Gaba-gabadii, Mudane Ould Abdallah wuxuu u mahad-celiyey xubnaha guddiga wadajirka ah ee arrimmaha nabdgelyada, madaama ay yihiin dad hawshooda ku dhegan,
laakiin wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyey taliyaha Ciidammad AMISOM iyo Ku xigeenkiisa, kuwaas oo ku shaqeynaya xaalad aad u qalafsan. “lama helayo hadal lagu cabiri karo geesinimada iyo asluubta ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.”
Qodobka 8aad ee Heshiiskii Jabuuti aya lagu dhisay Guddiga Wadajirka Arrimmaha Nabadgelyada, kaasi oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in kor loogu qaado awoodda waxqabad ee Dawladda Soomaaliyeed. Xubnaha guddigaani waxay ka kooban yihiin Saraakiil sar-sare ee ka socda heyadaha nabdgelyada Dawladda Federalka ku Meel-Gaarka ah ee Soomaaliyeed, Ururka Midowga Afrika, AMISOM, Qarammada Midoobay iyo Xubna kale oo ka socda Bulshada Caalamka sida EU/EC, IGAD, Ururka Jaamacada Carabta, Norway iyo Dalwadda Mareykanka.
Hiiraan Online News Desk
[email protected]
Nairobi, Kenya
