.jpg)
Axad, November 01, 2009(HOL): Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay meydka Alle ha u naxariistee Macallin Nuur Maxamed Siyaad oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Meydka Macallin Nuur Maxamed Siyaad oo saaka laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu aasay Degmada Madiina, iyadoo aaska meydka Marxuumkana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo aan ka xusi karno Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Lacagta Inj. C/raxmaan Yariisow, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, ku xigeenkiisa C/fataax Shaawey, Xildhibaano uu ka mid ahaa Muuse Suudi, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda iyo weliba dadweyne aad u faro badan.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Inta u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Degmada Madiina oo meydka Macallin Nuur lagu aasay ayaa waxaa buux dhaafiyay Gaadiid iyo Dadweyne aad u faro badan oo isugu yimid aaska Meydka Macallin Nuur.
Alle u naxariistee, Macallin Nuur Maxamed Siyaad oo ka mid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, loogana qadariyo ayaa wuxuu sanadkii 1921-kii ku dhashay Degmada Masagawaay ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna intii uu noolaa uu waqtigiisa ku soo qaatay fidinta Diinta Islaamka.
.jpg)
Alle ha u naxariistee, Macallin Nuur Maxamed Siyaad ayaa wuxuu Dugsigii ugu horreeyay ka hirgeliyay Soomaaliya sanadkii 1944-kii, iyadoo haatanna markii uu geeriyoonayay uu mas’uul ka ahaa 1000 dugsi Qur’aan oo ay macallimiin ka ahaa Xertii uu soo wax baray. Sidoo kalena Macallin Nuur ayaa dhisay intii uu noolaa 33 Masaajid oo lagu cibaadeysto, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu jiro dhul muddo 30 sano ka badan lagu aaso dadka, kaasi oo Macallinka loogu magac-daray, isla markaana ku yaalla Deegaanka KM13.
Alle ha u naxariistee, Macallin Nuur Maxamed Siyaad oo ku dhintay da’da 89 sano jir, wuxuuna ifka kaga tegay 100 ruux oo isugu jira wixii uu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen iyo weliba Afar Xaas.
MA DHINTE WAA ALLAAH, QOF KASTANA MAR AYUU DHIMAN DOONAA, WAXAANA LEENAHAY ALLE HA U NAXARIISTO MACALLIN NUUR MAXAMED SIYAAD..jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya