
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Mas'uuliyiinta Hay'adda Culimada oo wada fadhiya
Khamiis, May 07, 2009(HOL): Kulan ku dhex maray Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Hay’adda Culimada Soomaliyeed iyo qaar ka mi ah Wasiirrada dowladda ayaa maanta laga soo saaray Bayaan lagu cadeynayo in xukuumada uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Sharmaake ay aqbashay soo jeedin kaga timid dhanka Hay’adda Culimada ee iyagu ku howlan Masaalixda dhinacyada Dowladda iyo kooxaha Mucaaridka ku ah.

Bayaankan oo uu saxaafadda ka hor aqriyay Wasiirka Dib-u-heshiisiinta mudane C/rashiid Xaaji Deerow ayuu kaga dhawaaqay inay aqbaleen ka xukuumad ahaan talo soo jeedimaha Hay’addad Culimada ee ku aadan dib u heshiisiinta iyo joojinta colaadaha aloosan, wuxuuna u qornaa Bayaanka oo soo gaaray Xafiiska HOL sidatan-

Ku: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed
Muqdishu
Kaddib markaan la kulmay culumaa u-diinka Soomaaliyeed dhageystayna codsigii ay ii soo jeediyeen waxaan halkaan ku cadeynayaa aniga oo ku hadlaayo magaca Xukuumada Soomaaliyeed; waxaan iclaaminaynaa aana oggolnahay:
1. Colaad joojin iyo dagaal joojin sharuud la’aan ah
2. Wada hadal dhexmara dawalada iyo mucaaradka si loo dhameeyo kala duwanaanshaha aragtida
3. In laga digtoonaado lana joojiyo wixi dacaayad iyo brobaganda ah oo dhalin karo colaad
Wasiika Dib-u-heshiisiinta
Cabdirashid Xaaji Deerow
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya