5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2009
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo ku kulmay Xarunta Villa Somalia

Arbaco, May 06, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya iyo garab ka mid ah Xisbul Islaam ayaa maanta waxay kulan ku yeesheen Xarunta Villa Somalia, iyadoo kulankaasina ay markii ugu horreysay muddo labo sano ku dhow ay isku soo horfariisteen madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde.

Kulankan waxaa dhinaca Dowladda uga qeybgalay xubno ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Ku xigeenkiisa Shariif Xasan Shiikh Aadan,Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan, Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame, Wasiirka Cadaaladda Shiikh C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow, halka dhinaca Xisbul Islaamna ay kulanka uga qeybgaleen mas'uuliyiinta Xisbiga sida Guddoomiyaha Shiikh Maxamed Xasan Camey, Afhayeenka Shiikh Daa'uud Abti-doon iyo Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo ka mid ah mas'uuliyiinta Xisbul Islaam.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/qaadir Cusmaan Barnaamij ayaa kulankaas kadib u sheegay HOL in labada dhinac ay isku af-garteen waxyaabihii ay ka wada hadleen, wuxuuna caddeeyay in ay isla gaareen qodobo ay ka mid ahaayeen:

In ku dhaqanka Shareecada Islaamka la hirgeliyo

In Amniga laga wada shaqeeyo

In dib u heshiisiinta la xoojiyo

iyo in guddi xiriir oo arrimahas sii wada in la sameeyo

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxaa uu intaas ku sii daray in Xisbul Islaam garabka Shiikh Maxamed Camey looga mahadceliyay taageeriddii ay taageereen go'aankii dowladda Soomaaliya ee ahaa in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka, halka Xisbigana uu Dowladda uga mahadceliyay tallaabada ay qaadatay ee ah in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulanka dhexmaray madaxda Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Xisbul Islaam garabka Shiikh Maxamed Xasan Camey ayaa wuxuu yahay mid loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta, waana tallaabadii ugu horreysay oo ay Dowladda Midnimada Qaran oo dib u heshiisiin ku dhalatay ay u qaaddo dhinaca Dib u heshiisiinta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya