Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u amba baxay Liibiya (Daawo Sawirrada)


Khamiis, May 28, 2009(HOL): Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay Garoonka Aadan-cadde International Airport, isagoo ku sii jeeday magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.
 
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkiisan ku wehliyay wasiirrada Dib u dhiska iyo Waxbarashada,  Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Sheekh Maxamuud (Waayeel) iyo Sarakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Yaasiin Muuse Boqor iyo Cawaale Cali Kullane.
 
Kulankan oo ka furmi doona dalkaasi Liibiya maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay (29.05.2009) ayaa la filayaa inuu socdo ilaa 30-ka bishan May, iyadoo la filayo inay ka soo qeybgalaan dalalka ka tirsan Saahil oo kala ah, Somalia, Nigeria, Sudan Senegal, Mauritania, Mali, Burkina Faso, Niger, Chad iyo Ethiopia.
 
Ajendaha ugu weyn ee shirkan ayaa noqon doona arrimaha ku aaddan Caafimaadka iyo dhaqanka, waxaase la filayaa in si weyn diiradda loogu saaro arrinta Somalia, gaar ahaana taageero ay dalalkani u fidiyaan dowladda Soomaaliya, sida arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dib u dhiska, Waxbarashada, iyo Caafimaadka.
 
Ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa la filayaa inuu khudbo halkaasi ka jeediyo, taasoo uu ku sharaxayo arrimaha dalka Somalia iyo sida ku haboon ee loo taageeri karo dowladda Somalia, waxaana sidoo kale la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalkaasi iyo kuwa dalka Liibiya.





Hiiraan Online News Desk