Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2009


London: Wiil Soomaaliyeed ee laga dawaynayo Durayga Doofaarka

Hiiraan Online
Sunday, May 24, 2009

London, UK (HOL) - Wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ay tahay 22 sano jir ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Whittington ee ku yaala woqooyiga Magaaladda London kadb markii laga helay Cudurka kusii faafaya dunida ee Durayga Doofaarka (Swine Flu) oo haatan guud ahaan dadka uu ku dhacay ee ku nool dalkan britain ay gaarayaan 122 qof, dadkaasi 66 kamid ah waxaa ay ku noolyihiin Magaaladda London
 
Inkasta oo ay jiraan tiro soomaali ah oo wali baaritaano lagu wado cisbitaaladda dalkan ayaa haddana Abdirisaaq Muuse waxaa uu noqonaya qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo uu ku dhacay cudurkan la xaqiijiyay.
 
Wiilkan Soomaaliga ah waxaa uu u sheegay walaashiis mar aan ka codsaday sida uu u arko in laga hadlo arintiisa in aanu waxba ka qabin isla markaasna uu ka warami doono cudurka ku dhacay marka uu kasoo baxao Cisbitaalka, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la badiyo taxadarka iyo Feejignaanta sidii looga hortagi lahaa cudurkan oo guud ahaan fara ba'an ku haya dadka Caalamka ku nool inbadan oo kamid ah.
 
Wiilkan oo Maalinkii Arbacadda laga helay cudurkan oo aan la ogayn halka uu kasoo qaaday isla markaana aan ka iman dalka dibadiisa ayaa wali la baarayaa halka uu kasoo qaaday Jeermiska dhaliya cudurkan iyadoo haatan xaaladiisu ay kasoo raynayso. sidoo kale waxaa la baaray dhamaan qoyskii uu kula noolaa guri ku yaala Woqooyiga Magaaladda London oo laga waayay cudurkaasi.
 
Hanaan Muuse oo ay walaalo yihiin wiilkaasi , isla markaana ay isku meel ku noolaayeen ayaa iyadoo ku sugan cisbitaalka waxaa ay tiri" Maalinkii uu ku dhacay iyo Maanta farqi aad u wayn ayaa u dhexeeya, oo haatan waa uu kasoo kabsanayaa kadib markii dawayn lagu sameeyay, aad ayaan uga naxnay markii aan maqalnay in uu ku dhacay cudurka, laakiin sidii aan uga cabsanaynay naguma dhicin oo anagiina waan caafimaad qabnaa isagiina waa uu soo caafimaadayaa".
 
Hay'adda caafimaadka ee ka hortagga Cuduradda oo aan la xiriiray si aan u waydiiyo tiradda soomaalida ee uu cudurkani ku dhacay ayaanay ii suurtagalin, iyadoo inta badan aysan maanta shaqaynayn shaqaalaha xafiiskaasi, Hay'adda caafimaadka ee WHO ay sheegtay in wali cudurkan uu si xawli ah ku faafayo.
 
Dadka soomaalidu waxaa qaar badan ay ku liitaan dhanka Taxadarka, sidoo kale waxaa inbadan ay aaminsanyihiin fikraddo Been ah oo ku saabsan in cudurka aanu ku dhacayn iyo arimo kale oo fara badan.
 
Fadlan akhri siyaabaha ugu muhiimsan ee cudurka looga hortagi karo:

1- Isticmaal Fasaleetiga marka aad qufacayso ama aad hindhisayso.
 
2- Iska dhaq gacmaha markasta oo aad ka shakiso ama aad u aragto muhiim.
 
3- isticmaala Dawadda hand sanitizers oo markasta aad jeebka ku wadan karto adigaa ku dhiijisanaya gacmaha oo inta badan uu Virusku ku yimaado.
 
4- ka fogow goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan.
 
5- La xiriir dhakhaatiirta hadii aad dareento in uu kugu dhacay cudurkan oo calaamadihiisa ay kamid yihiin, Caloo-xanuun, madaxweareer, qandho, matag, tabar-darro, hindhiso, qufac iyo qalayl dhanka dhuunta ah.
 
6- Salaanta iyo dhunkashada oo aad looga taxadaro.

Ridwaan Haji Abdiwali
Ridwaan@london.com

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay in ay Al-Qaacidda ka dagaallameyso Muqdisho

5/24/2009 9:58 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo wareysi siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in ay Dowladdiisa ku talageleyso in ay dib u hanato gacan-ku-heynta guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna beeniyay warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay burbureyso.

Qarax is-miidaamin ah oo lagu weeraray Xarun ay degan yihiin Ciidamada Mileteriga Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku taalla

5/24/2009 6:53 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa wuxuu maanta duhurradii isku qarxay Xaruntii Keydka Shidaalka ee Degmada Xamar Jajab.

Is-rasaaseyn muddo kooban socotay oo duleedka degmada Buula-burte ku dhaxmartay Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda

5/24/2009 4:27 AM EST
Axmed, 24,May, 2009 (HOL) Is rasaaseyn socotay muddo kooban ayaa warar soo baxaya waxaa sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Yasooman ku dhexmaray Xoogag u daacad ah Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo ka soo horjeeda oo ka tirsan dadka deegaannka.

Dowladda Eritrea oo Soomaaliya darteed uga baxeysa Midowga Afrika iyadoo horay uga baxday IGAD

5/24/2009 4:19 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Dowladda Eritrea ayaa shaaca ka qaadday in ay laashay ka mid ahaanshaheedii Midowga Afrika, iyadoo sanadkii 2007 horay u laashay ka mid ahaanshaheedii Urur Goboleedka IGAD.

Xaaladda Muqdisho oo degan, inkastoo dhinacyadii dagaallmay ay weli is-horfadhiyaan

5/24/2009 4:18 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Xaaladda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxay tahay mid deggan, inkastoo deganaantaas ay tahay mid aan la isku halleyn karin sabab la xiriirta iyadoo ay weli is-horfadhiyaan dhinacyadii dagaallamay.

Taliye Ku-xigeenkii Arrimaha Amaanka Maamulka Goballka Hiiraan ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Garoonka diyaaradah Magaalada Beledweyne

5/24/2009 4:18 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacay Magaalada Beledweyne Taliye Ku-xigeenkii arrimaha Ammaanka Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan ShiikhC/raxamaan Faarax Diirow halka sidoo kale shilkaasi uu dhaacaw ka soo gaaray Taliyihii Ammaanka Maamulka Goballka Shiikh Axmed Inji iyo mid ka mid ah Ciidamada Maamulka.

Prof. Siciid Samatar oo sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay joogsan karaan marka dhinac ka mid ah dhinacyada dagaallamaya laga adkaado

5/24/2009 4:17 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Prof. Siciid Shiikh Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Rotgers ee dalka Mareykanka ayaa isagoo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka waxaa uu ka hadlay dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna iftiimiyay sida ay ku istaagi karaan dagaalladaas.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in uu ka shalaaynayo baaqyo uu jeedin jiray intii ay Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Soomaaliya

5/24/2009 4:16 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shalaaynayo baaqyo uu horay u jeedin jiray intii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ku sugnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo Maamulka ka taliya Magaalada Baardheere ku eedeeyay in uu soo qodayo Qabuuro ay ku aasan yihiin Dad mar hore la aasay

5/24/2009 4:15 AM EST
Axad, May 24, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku cambaareeyay maamulka ka taliya Magalaada Baardheere in uu soo qodayo qabriyo ay ku aasan yihiin dad mar hore dhintay.




London: A Somali man Diagnosed with the Swine Flu -HOL

5/24/2009 4:25 PM EST
London, UK (HOL) – A 22 year old Somali boy is being treated for the Swine Flu in London’s Whittinton hospital. In total, there are 122 case of Swine Flu confirmed in the UK 66 of whom live in London. This is the first Swine Flu case confirmed in the Somalia community.

For Somalia, Chaos Breeds Religious War -NY Times

5/24/2009 11:38 AM EST
DUSA MARREB, Somalia — From men of peace, the Sufi clerics suddenly became men of war.

Suicide bomber kills 7 at Somali government base -AP

5/24/2009 11:09 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — A foreign suicide bomber killed six guards and a civilian Sunday at a military base in the Somali capital, officials said, an attack that came after two weeks of intense fighting in war-torn Mogadishu.

U.S. anti-terror authorities see Western fighters in Somalia -AFP

5/24/2009 10:56 AM EST
WASHINGTON (AFP) — A US counter-terrorism official on Saturday said US nationals had likely joined the ranks of insurgents in Somalia, where Islamist rebels are waging a bitter war against the Western-backed government.

Suicide Bomber Kills Three in Mogadishu -HOL

5/24/2009 10:47 AM EST
MOGADISHU, Somalia (HOL) - A suicide bomber drove a truck with explosives into Somalia’s main petroleum storage in Mogadishu killing three government soldiers and wounding several soldiers and civilians.

Dozens of civilians killed in latest Somalia fighting -CNN

5/24/2009 5:24 AM EST
(CNN) -- Fighting between government and rebel forces in Somalia over the past two days has killed more than 40 civilians and wounded about 150 others, according to sources at the scene.

Somali fighters attack AU troops -Aljazeera

5/24/2009 5:07 AM EST
Islamist fighters in Somalia's capital have fired mortar bombs at the presidential palace and attacked African Union(AU) peacekeepers.

Kenya awash in Somali pirates' cash -Seatle Times

5/24/2009 4:54 AM EST
NAIROBI, Kenya — Young, newly rich and restless, Ali Abdinur Samo wasn't long for his dead-end homeland of Somalia. The 26-year-old recently decamped to Kenya, East Africa's land of opportunity, to put his wealth to work.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter