
Bidix: Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Wariye Maxamed Deeq
Sabti, May 16, 2009(HOL): Dhawaan ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Roterdam ee Dalka Netherland Kulan dhex maray xubno ka socday Dawladda Soomaalida iyo Shirkadda DEMEN oo ah Shirkad Sameysa Maraakiibta Dagaalka iyo doomaha Dheereeya.
Ra,isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumeysiga iyo khayraadka badda ee Dawladda Soomaaliya Prof: C/raxmaan Xaaji Adan IBBI iyo la taliyahiisa Dr: Xuseen Cali Axmed ayaa dhawaan booqasho ay ku soo gaareen Dalka Netherlanda waxaa ay booqdeen Xaruunta Shirkadda oo ku Taala Magaalada Roterdam iyaga oo kala hadlay sidii ay Shirkadda DEMEN ay ugu sameyn lahayd dawladda Soomaalida Maraakiibta Dagaalka iyo doomaha dheereeya si wax uga qabato Buracd Badeedka Soomaalida.
Prof:IBBI ayaa Sheegay in Shirkadda DAMEN oo horey Dawladdii hore ee Soomaaliya uga caawin jirtay qalabeyntii Dakadihii Soomaaliya Xiligii ay Jirtay Dawladii Maxamed Siyaad Barre ay haatan ogolaatay in ay ka taageerto Xiligan Dawladda Soomaalida in ay u sameyso Maraakiibta lagula Dagaallamo Burcad Badeeda iyadoo Dhaqaalaha lagu bixinaya sameynta maraakiibtana uu bixin doonto Midiwga Yurub oo dhawaan ogolaaday in ay bixiyaan kharashaad ay ku taageerayaan Dawladda Midnimada qaran ee Soomaaliya si ay wax uga qabato Arimaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Intii ay ku sugnaayeen wafdiga Dawladda Soomaaliya Xarunta Shirkadda DEMEN ayaa waxaa lagu soo wareejiyay oo la tusay Dhammaan Qeyabah ay ka kooban tahay Shirkadda iyadoo halkaasna loo suray Calankii Soomaaliya.
Shirkadda DAMEN ayaa Horey waxaa ay u sameysay Maraakiib Dagaal oo lagaga Hortagay Burcad badeed Xilli ka soo shaac baxday Bariga Qaaradda Asiya iyagoo khibradna u leh sameynta Maraakiibta dagaalka iyo doomaha dheereeya ee burcad badeeda lagala hortago oo ay ku jirto kaalinya 1aad ee dunida waxaana lagu raja qabaa in hadii arintan ay hirgasho in ay wax ka qaban doonaan burcad badeeda Soomaalida.
Dhawaan ayaa waxaa dawladda soomaalida ay ku tala jirtaa in ay magacawdo Madaxa ilaalinta xeebaha Soomaalida iyo in ay iskugu yeerto Ciidankii Soomaalida ee ilaalada Xeebaha oo aan hawl galin muddo ku dhaw 20 sano iyadoo arrintaasna la wargaliyay Madaxdii ka socotay Midwga Yurub oo ay qaabileen dawladda Soomaalida.
Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
[email protected]
GSM:0031643642191
Leeuwarden.Fresland.Netherlands