5/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2009
SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Haddii uu C/llaahi Yuusuf dhihi lahaa Shareecada Islaamka ayaan qaatay waan ka yeeli lahayn, laakiin Shariifka iyo Raggiisa kama aqbaleyno"

Shiikh Xasan Daahir Aweys
Jimco, May 15, 2009(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara, isla markaana ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aaney aqbali doonin in Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif ay tiraahdo waxaan ku dhaqmeynaa shareecada Islaamka, laakin ay ka yeeli lahaayeen Dowladdii C/llaahi Yuusuf.

"Haddii uu C/llaahi Yuusuf dhihi lahaa Shareecada Islaamka ayaan qaatay waan ka yeeli lahayn, laakiin Shariifka iyo Raggiisa kama aqbaleyno, waayo C/llaahi bannaanka ayuu ka joogay, laakin Shariifka isagoo madax nooga ah Maxkamadihii Islaamka ayuu naga tegay, isla markaana uu barnaamij kale galay"ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka jawaabayay weydiin ahayd waxa lagula dagaallamyo dowlad qaadatay shareecada Islaamka.

Shiikh Xasan Daahir oo u waramayay Barnaamijka hadal-heynta todobaadka ee Jimco kasta ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho waxaa uu intaas ku daray in dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo lagu soo qaaday xoogaggooda mujaahidiinta, wuxuuna caddeeyay in ay xoogaggooda is-difaacid ku jiraan.

Waxaa uu iska fogeeyay Shiikh Xasan Daahir Aweys in ay dhibaato ka geysteen goobo ay dad rayid ah deganaayeen, wuxuuna sheegay in aysan xoogaggooda isticmaalin wax madaafiic ah, meelaha waxyeellada ka dhacdayna ay yihiin meelo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay madaafiic ku garaaceen.

Shiikh Xasan Daahir oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in nuu ka xun yahay dhibaatada dagaalladii dhacay ka soo gaartay dadka rayidka ah, wuxuuna kuwii dhintay u rajeeyay naxariistii janno, halka kuwa dagaallada ku dhaawacmayna uu caafimaad u rajeeyay.

Mar la weydiiyay Shiikh Xasan Daahir Aweys in ay soo af-jarmi karaan dagaallada Muqdisho ka socda ayaa wuxuu sheegay in ay dagaallada labo nooc ku istaagaan, kuwaasi oo kala ah in ay qaab farsamo looga baxo iyo in heshiis dhaco, wuxuuna farta ku fiiqay in aysan haatan labadaas arrimood muuqan.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu beeniyay hadal ay sii daayeen qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka, kaasi oo ahaa in uu Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ugu baaqay in uu is-casilo, wuxuuna caddeeyay in aanu hadalkaas dhihin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Soomaaliya