4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2009
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay wadaan Dad Gobollo kale ka yimid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur
Talaado,  May 12, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii maalmihii tegay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Dad gobollo kale ka yimid.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in dadka ku nool Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin dagaallo sii socda 20 sano kaddib, wuxuuna caddeeyay in dagaallada hadda socda ay yihiin kuwo ay wadaan dad sida uu yiri gobollo kale ka yimid.

“Wallaahi Billaahi Tallaahi, ma yeeleyno in Dadka ku nool Gobolka Banaadir ay dhibaateeyaan dad ka yimid Gobollo kale oo nabadgelyo ka jirto, arrintaasna maamulka go’aan ayuu ka qaadan doonaa”ayuu yiri  Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo geystay dhimasho iyo dhaawac aad u faro badan.

Horay waxaa hadal midkan la mid ah u jeediyay Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, gaar ahaan Guddoomiyaha Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenka Dhaqanka Axmed Diiriye Cali, kuwaasi oo sheegay in dagaallada oo dhan lagu soo koobay magaalada Muqdisho, gobollo badan oo ay ka yimaadeen dad Muqdisho ka dagaallamayana ay ka socdaan adeegyada bulshada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya