5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku kala bixinaya Dalal ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Axad, March 08, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaamiyo oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa maanta wuxuu ka amba baxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, isagoo ku sii jeeday dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehlinayeen Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dowladda, ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Boostada iyo Isgaartiinta C/risaaq Jurille, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cabdalla Boos Axmed iyo xubno kale ayaa waxay socdaalkooda ugu horreeya ka bilaabayaan Dalka Kenya, iyagoo kadibna u sii gudbi doona dalalka Uganda, Burundi iyo Ruwanda.

Madaxweynaha ayaa Dalalka uu booqanayo qaarkood waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo sida Uganda iyo Burundi oo kale, wuxuuna madaxda dowladahaas kala hadli doonaa arrimo ku saabsan Ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin iskaashiga iyo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Wadamadaas.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Xeyle ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in socdaalka madaxweynaha uu yahay mid la xiriira martiqaad uu ka helay madaxda dalalka uu booqanayo.

Waa socdaalkii ugu horeeyay oo uu Madaxweyne Shariif ku soo kala bixiyo dalal dhowr ah oo ka tirsan Bariga iyo bartamaha Afrika, marka laga reebo dalalka Djibouti iyo Itoobiya oo uu horay u booqday.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomalaiya ayaa intii uusan ka amba bixin magaalada Muqdisho waxaa uu ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo aan horay loo dhaarin, iyadoo Wasiirrada la dhaariyayna ay ka mid ahaayeen Wasiirro ay Beelahooda saluugeen xilalka loo magacaabay, kuwaasi oo la sheegay in laga qanciyay waxyaabihii ay tabanayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia