Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska, Khudbadna ka jeediyay Chatham House

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale iyo Wasiirka A/ Dibadda Ingiriiska David Miliband
Sabti, March 07, 2009(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska David Milliband, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu khudbad ka jeediyay Aqalka Chatham House.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Ciise, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriisku waxay ka wada-hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya labada dhinac. Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa sida loo qoray wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Maanta la Kulmay Wasiirka ArrimahaDebada UKMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho rasmi ah ku joogay dalkan Britain ayaa Maanta Kulan Balaadhan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Debada Mudane David Miliband iyo Madax sar-sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Debada ee UK.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Arrimaha Debada ee ku yaala Magaalada London ayaa waxa uu ka danbeeyay Martiqaad Rasmi ah oo Dawlada Britain ay u fidisay Madaxweynaha Somaliland oo dhawrkiicisho ee u danbeeyayba ku sugnaa magaalada London.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa kulanka uu maanta la yeeshay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Mudane David Miliband waxay si qoto dheer ugu lafo gureen xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada Dal iyo Labada shacab iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkaasi, waxaa kale oo kulankan uu Madaxweynuhu kaga hadlay marxalada guud ee uu dalka Somaliland ku sugan yahay imika iyo heerka qiimaha badan ee shacbiga Somaliland ay dalkooda gaadhsiiyeen iyaga oo aan wax gacan ah ka helin dunida.

 Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu si balaadhan uga hadlay horumarka dhinaca Nabadgelyada iyo geedi-socodka dhinaca dimuqraadiyada ee ka hirgalay Somaliland, waxaana uu ka codsaday Dawlada Britain inay sii laban-laabaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhinaca horumarinta iyo waliba sidii Somaliland ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka. Wasiirka Arrimaha Debada Mudane David Miliband ayaa dhiniciisa waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyay shacbiga iyo xukuumada Somaliland oo uu ku tilmaamay dad qiimo badan oo dalkooda horumar dhinac kasta ah gaadhsiiyay, waxaana uu sheegay in dawlada Britain ay ka war hayso dedaalka iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.

Waxaa kale oo uu Wasiirku Madaxweynaha iyoShacbiga reer Somalilandba uu uga tacsiyadeeyay weerarkii fulaynimo ee ay argagixisada Caalamiga ahi ku soo qaaday Somaliland 29kii bishii Oktoobaree sanadkii la soo dhaafay, iyada oo uu Wasiirku caddeeyay in dawlada UK ay is barbar taagi doonto shacbiga reer Somaliland, isla markaasna aanay marnaba ogolaan doonin in wax yeello loo geysto Horumarka iyo Amaanka Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyayWasiirka Arrimaha Debada Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Safiirka wareega Mudane Dr. Maxamed Aar iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise, iyada oo dhinaca kalena ay Wasiirka Arrimaha Debada Mudane Miliband ay ku wehelinayeen saraakiil kala duwan ka socday laamaha kala duwan ee wasaaradiisa.

Dhinaca kale galabnimadii shalay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qudbad dheer ka jeeday xarunta caanka ah ee loo yaqaano Chatam House halkaas oo ay ka soo qayb galeen aqoonyahano, diplomaasiyiin iyo dadweyne kala gedisan oo ka kala yimi meelo kala duwan oo aad u danaynayay arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha oo halkaas ka jeediyay qudbad aad u dheer waxa uu ka warramay horumarka balaadhan ee ay shacbiga Somaliland iyo Xukuumadoodu aygaadhsiiyeen Dalkooda iyaga oo aan haysanin wax aqoonsi ah iyo mucaawino muuqata, balse ay iyagu isku tashadeen, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamayin dadka reer Somaliland ay u soo mareen xorriyada ay haystaan dariiq aadu dheer oo dhib badan,taasoo ay ku guuleysteen inay dalkooda ka dhigaan kaugu nabadgelyada badan uguna horreeya dhinaca dimuqraadiyada dalalkaAfrika. Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in dadka reer Somaliland ay soo  mareen marxalado kala duwan 18-kii sanadood ee la soo dhaafay, waxaana uusheegay in lasoo gaadhay xiligii ay dunidu garawsan lahayd xaqa ay reerSomaliland u leeyhiin inay ka mid noqdaan beesha caalamka.

Waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in ay dadweynaha reer Somaliland go’aankooda Madaxbanaanida ku ansixiyeen aftidii dalka Somaliland ka dhacday sanadkii 2001, waxaana uu sheegay inaanay ahayn wax cidina dafiri karto xaqa ay reer Somaliland u leeyihiin in la aqoonsado isaga oo tilmaamay in la soo gaadhay Xiligii Aqoonsi buuxa ay dunidu u fidan lahayd Somaliland.

Khudbadda Madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey waxay ahayd mid taabanaysay dhinac walba, iyadoo uu Madaxweynuhu halkaasi ka sheegay inay dalka kadhici doonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ka maqaam sarraysa tii hore uga dhacday dalka. Kadib, markuu Madaxweynuhu dhammeeyay khudbadiisii, waxa halkaasi laguwaydiiyay su’aalo farabadan kuwaasi oo uu dhammaantood si faah-faahsan ugawada jawaabay”.




Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland