5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 5 , 2009
Bannaanbax lagu taageerayay baaqii ay dhawaan soo saartay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhacay


Khamiis, March 05, 2009(HOL): Bannaanbax lagu taageerayay baaqii ay dhawaan soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu ka dhacay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.

Bannaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay  Golaha Samodoonnada iyo Horumarinta  Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha  Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Abwaannada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Samodoonnada Soomaaliyeed Maxamed Tahliil Warsame oo la hadlay dadkii isugu soo baxay garoonka Kubadda cagta Muqdisho Stadium ayaa sheegay in banaanbaxa ay soo qaban qaabiyeen ay ku taageerayaan baaqii ay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed dhawaan ka soo saareen xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Maxamed Tahliil Warsame waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka oo uu sheegay in ay ku dhaqankeeda uga bixi karaan dhibaatooyinkii ay mudada dheer ku soo jireen.

Sidoo kalena waxaa halkaas ka hadlay Shiikh Axmed Daahir Aweys oo khudbaddiisa ay ku saabsabeyd ahmiyadda ay leedahay in dadka muslimiinta ah ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka, wuxuuna caddeeyay Shiikha in haddii dadka Soomaaliyeed ay Shareecada Islaamka qaataan, kuna dhaqmaan ay xalismeyso dhibaatada 20 sano ka taagan Soomaaliya, isla markaana sharaf iyo maamuus wanaagsan ku noolaan doonaan.


“In aan kuligeen u guntanno ku dhaqanka shareecada islaamka, sidaas ayaan sharaf iyo karaamo ku heli karnaa, waxaan soo gaarnay waqtigii aan dhibaatada ka bixi lahayn oo aan horumar u gudbi lahayn, Soomaaliya waxay leedahay cadaw badan, marka dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ogaadaan in ay cadaw leeyihiin” sidaas waxaa yiri guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo isna bannaanbaxaas ka qeybgalay, kana hadlay.

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Nuur Faarax Bacadle iyo Afhayeenkiisa Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo halkaas ka hadlay ayaa iyana waxay jeediyeen khudbooyin iyo gabayo ay ku taageerayeen baaqii ka soo baxay culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay yihiin dadka bulshada Soomaaliyeed indhaha u ah.

Qodobada baaqii ay culumaa’udiinka soo saareen:

In muddo 120 maalmood ah dalka looga saaro Ciidamada Amisom, iyadoo mudadaasna ay ka bilaabaneyso 1/03/2009, isla markaana aan la keenin ciidamo kale.

In aaney Ciidamada Shisheeye mudadaas gudaheeda aysan sameynin wax dhaqdhaqaaq ah oo howlgallo ka mid yihiin.

In xalka mushkiladda dalka lagu raadiyo wada hadal oo aan marnaba dagaal loo adeegsan.

In 90 maalmood gudahood uu Baarlamaanka Soomaaliya shir isugu yimaado, isla markaana uu u codeeyo in dalka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka.

In Qodobo ka hor-imaanaya Shareecada Islaamka oo Axdiga Dowladda ku jira wax laga bedelo, iyadoo loo saarayo culumaa’udiin lagu kalsoon yahay oo aqoon durugsan u leh Diinta Islaamka.

In aan dadka la gaaleysiin karin iyadoo aan wax cad lagu heynin.

In la joojiyo dilalka dadka aan waxba galabsan.

In Mujaahidiinta ay abuuraan fursad qodobadan lagu hirgeliyo.

Dhanka kalena, bannaanbax kale oo  lagu taageerayay dadaallada nabadgelyada ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isla markaana looga soo horjeeday go'aankii Maxkamadda Hague ee ku saabsanaa in la soo xiro madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa wuxuu ka dhacay Beerta Daraawiishta ee magaalada Muqdisho, waxaana bannaanbaxaas soo qaban qaabiyay Majmaca Culimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Cabdi Dhicisow oo la hadlay dadkii isugu soo baxay bannaanbaxan ayaa waxay sheegeen in dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay doonayaan in ay nabadgelyo ku noolaadaan, guryahooda oo ay ka barakaceenna ay ku soo noqdaan.

Shiikh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka sii hadlayay go'aankii Maxkamadda Hague-na waxaa uu sheegay in Maxkamadda Hague ay gardarro qaawan la maagtay madaxweynaha sida uu hadalka u yiri Mu'aminka ah ee Cumar Xasan Al-Bashiir, wuxuuna intaas ku sii daray in dadka soo saaray amarkaas ay yihiin kuwo aan u fiirsan waxyaabaha ay soo saareen.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia