Talaado, March 31, 2009(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafnay Goballka Hiiraan qeybo ka mid ah waxaa ka jiray warar leysla dhexmarayay oo sheegaya in Ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab dhaq dhaqaaqyo ka wadaan gudaha Goballka, taasoo dad badan ku abuurtay dareen cabsi xanbaarsan maadaama Ciidamada Maamulka Goballku iyaguna bilaabeen dhaq dhaqaaq ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Warar ay heshay HOL ayaa sheegaya in degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan galinkii danbe ee shalay gaaraan Ciidamo ku hubeysan gawaarida dagaalka kana tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana warku intaa ku darayaa in Saraakiishii la socotay Ciidamada iyo Odayasha degmadu ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida Maamul Shabaabku sheegay in ay ka dhisayaan degmada Buula-burte.
Laakiin waxaa arrinta is hortaagay Odayaasha iyo Waxgaradka degmada oo ku wargeliyay Saraakiisha Al-shabaab in Goballka Hiiraan uu ka jiro Maamul mideysan, isla markaana qorshaha dhismaha Maamul kale uu wax u dhimi karo arrimaha Nabad-galyada.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga halka Ciidamadu ku wajahan yihiin gaar ahaan in ay sii joogi doonaan degmada Buula-burte iyo in ay u gudbayaan dhinaca Goballada dhexe oo warar aan si rasmi ah loo ogeyn tilmaamayaan in Ciidamadu ku sii jeedaan.
Dhinaca kale waxaa soo gaaray deegaanno ka tirsan Goballka Hiiraan Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ee Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo la filayo in saacadaha ina soo aadan uu tago degmada Buula-burte, waxaana uu Guddoomiyuhu maalmihii ugu danbeeyay ku maqnaa Magaalada Muqdisho ee xarunta u ah dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo gaaray degmada Buula-burte wada hadalna la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada.
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Doxa kula kulmay Madaxweynaha Yemen
- Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Xaafadda Beyxaani ee Magaalada Muqdisho
- Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay mawqifkiisa ku wajahan muddo-kordhinta M/weynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa loo sameeyay
- Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Maamulka G/Banaadir oo ka wada hadlay xus loo sameynayo 15-ka May