3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2009
Xiddigtii Jeenyo iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Xaawo Taako oo 19 sano kadib Muqdisho ku laabatay, Qalab Isboortina qeybisay


Axad, March 29, 2009(HOL): Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) oo ka mid ahayd Xiddigaha Kooxdii Kubadda Kolayga LLPP iyo Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa waxay 19 sano kadib ku laabatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna halkaas kula kulantay waxyaabo cajiib ah oo aysan maleysan karin.

Xaawo Taako oo nagu soo booqatay Xafiiska HOL ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka warbixisay waxyaabaha ay u timid Muqdisho iyo waxa ay sameysay kadib markii ay dalka dibaddiisa u baxday.

Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako)
Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) waxay sheegtay in ay Muqdisho u timid labo arrimood oo kala ah in ay ka qeybgasho aaska meydka Xaaskii Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish marxuumad Khadiijo Maxamed Nuur iyo in ay qalab Isboortoi oo ay soo dhiibeen Soomaalida Qurbo joogta ah ay u qeybiso Gabdho Kubadda Kolayga ciyaari jiray, kuwaasi oo hadda gacanta ku haya Kooxo gabdho ah oo loo tababarayo Ciyaaraha Kubadda Kolayga iyo in ay sidoo kale qalabIsboorti oo uu soo dhiibay Guddoomiye ku xigeenka Ururka SIFO C/raxmaan Maxamuud Guhaad (Shiine) ay ku wareejiso Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga.

“Wallaahi markii aan ka soo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho indhaheyga illin ayaa ku soo joogsatay, wax kalena ma ahayn waa jaceylka aan u qabo dalkeyga iyo sida uu u burburay”ayay tiri Xaawo Taako oo intaas ku sii dartay in ay Muqdisho kula kulantay labo muuqaal oo kala ah mid burbur tilmaamaya iyomid kale oo muujinaya in weli ay jiraan dad nabadeed oo Isboortigii ciyaaraya, iskuna dhex jira.

Dibadda markii ay u baxday Xaawo Taako waxay sheegtay in ay iyada iyo gabdho kale oo Kubadda Kolayga ciyaari jiray oo Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ku sugan ay xiriirro sameeyeen, isla markaana ay abuureen Urur u damqada ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa, sidoo kalena go’aansaday in ay caawiyaan dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee ka jira Soomaaliya.

-By: Salaad Xiis

Haddaba Xaawo Taako Qalabkii Isboorti ee ay ka keentay Qurbaha galabta ayay ku qeybisay Garoonka Kubadda Kolayga 1da Luulyo (Ex Luujino), waxayna qalabkaas ku kala wareejisay Ku simaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Rooble iyo Gabdho Kubadda Kolayga ciyaari jiray oo diyaarinaya ciyaartoy cusub oo gabdho ah.


Munaasabadda qalabkaas lagu wareejinayay waxaa ugu horreyn ka hadlay Ku simaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Rooble oo Xaawo Taako baray Gabdho yar yar oo hadda loo diyaarinayo in ay noqdaan Ciyaartoy Kubadda Kolayga ah, kadibna wuxuu cod baahiyaha ku soo dhaweeyay Xaawo Taako.

Xaawo Taako ayaa markii cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay  hadal dhihi kari weysay, indhaheedana illin ayaa ku soo istaagtay, waxayna sheegtay in sababta ay u ilmeyneyso ay tahay iyadoo gucaneyso sida uu dalka Soomaaliya u burburay iyo sidii uu ahaan jiray markii ay ku ciyaari jirtay, inkastoo aysan meesha ka marneyn in ay hor-joogeen wejiyo ay taqaanay oo ay muddo hore ugu dambeysay.

Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako) oo la hadleysay  gabdhihii cuslaaday ee Kubadda Kolayga ciyaari jiray iyo gabdhaha ciyaartoyda ah ee ay diyaarinayaan ayaa waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay la kulanto bahdeedii Isboortiga, waxayna kula dardaarantay gabdhihii hore ee Isboortiga iyo kuwa hadda la diyaarinayo in ay isku xirmaan oo ay noqdaan dad aayahooda Isboortiga ka tashada, dalka Soomaaliya u soo saara ciyaartoy mustaqbal fiican leh.


Intaas kadib waxay qalabkii guddoonsiisay Dadkii loo soo diray, waxaana ugu horreyn guddoomay Ku simaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Rooble oo Xiriirkiisa u qaaday, waxaa ku xigsaday Batuulo Xaaji Nuur, Faay Aweys, Jiijo Yarey iyo Khadiijo Aadan Daahir oo u qaaday Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo horay u xareeyay ciyaartoy ciyaaraha fudud ah.

Waxaa xigtay in Ibraahim Xuseen Rooble uu Xaawo Taako guddoonsiiyay Xajalad DVD ah oo ay ku duuban yihiin tartamadii Isboorti ee uu qabtay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga,

Ugu dambeyntiina, markii ay soo gebagebowday munaasabada ayay Xaawo Taako codsatay in ay Kubdad Kolay ah ku tuurto Kolayga garoonka Ex Luujino, waxayna labo jeer o ay Kubadda u tuurtay dhinaca Kolayga ay ku guuleysatay in ay labadiiba ku rido Kolayga sidaasna ay ku keento min 2 dhibcood, markaas ayay dadkii yaqaanay Xaawo Taako berigii ay ciyaari jirtay ee garoonka ku sugnaa wada qireen in ay Xaawo Taako weli tahay Xiddigteedii Kubadda Kolayga.

Ciyaartoyda Kubadda Kolayga loo tababarayo

Batuulo Xaaji Nuur oo qalabkii guddoomeysa

Faay Aweys oo qalabkii guddoomeysa

Jiijo Yarey oo qalabkii guddoomeysa

Khadiijo Aadan Daajir oo qalabkii guddoomeysa

Xaawo Taako (Midig) iyo Gabdho kale oo Isboorti

Safka hore waa ciyaartoydii cuslaatay

Xaawo Taako oo Kubbad dhulka ku garaaceysa

Xaawo oo Kubadda u tuureysa dhinaca Kolayga

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
3/29/2009 11:39 AM EST
Axad, March 29, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay ka amba baxeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

3/29/2009 7:10 AM EST
Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Wasiirka Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Nuur Cali Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muddo afar maalmood ah soomaan, Allaahna ay ka baryaan in uu ka dul-qaado dhibaatooyin ay ku jiraan.

3/29/2009 7:09 AM EST
Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Nabaddoonnada Gobolka Bari ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Qaraxyo iyo rabshado is-wata, kuwaasi oo maalmo ka hor ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe oo hoos yimaada DGPL.

3/29/2009 4:56 AM EST
Axad, 29, Marso, 2009 (HOL) : Sarkaal u hadlay Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Afrika uu ciidamo dheeraad ah u dirayo Soomaaliya, kuwaasi oo difaaci doona Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

3/29/2009 4:55 AM EST
Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee degamada Beledweyne Shiikh Aadan Jilibey ayaa waxba kama jiraan iyo war laga badbadiyay ku tilmaamay af-duub sida qaar ka mid ah qalabka warbaahinta sheegeen in lagula kacay Wiil dhaliyaro ah oo ka shaqeynayay mid ka mid ah rugaha Caafimaadka Magaalada Beledweyne.

3/29/2009 4:55 AM EST
Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in shan Nin oo Dalkeeda u dhashay oo afar maalmood ka hor lagu qabtay Degmada Beled-Xaawo la sii daayay kadib wada hadallo dhexmaray maamulka Degmada Beled-Xaawo iyo midka Gobolka W/Bari ee Kenya.

3/29/2009 4:53 AM EST
Sabti, 28 March 2009 (HOL): Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddada Xil-haynta Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa u kordhiyay 6-bilood, isla markaana Doorashada Madaxtooyada Somaliland dib u riixay muddo 5 bilood ah.

3/29/2009 4:52 AM EST
Axad, March 29, 2009(HOL): Dhinacyadii ku dagaallamay xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa lagu guuleystay in xabad-joojin la kala dhex dhigo, iyadoo xabad-joojintaasna ay ka shaqeeyeen odayaal iyo waxgarad is-xil-saaray.