4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2009
Xisbul Islaam oo labo garab u kala jabay


Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Xisbul Islaam Shiikh Maxamed Xasan Axmed Camey


Isniin, March 23, 2009(HOL): Xisbul Islaam oo ay ku bahoobeen Afar Kooxood oo ka dagaallama gudaha Soomaaliya, isla markaana ka soo horjeeda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa labo  garab u kala jabay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Xisbiga Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, isla markaana ay doorteen Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Xasan Axmed (Camey).

Wareegto ay soo saareen Mas’uuliyiintan shirka jaraa’id qabtay oo aan lahayn cid ku saxiixan ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Shiikh Daa’uud Maxamed Abti-doon oo loo doortay Afhayeenka cusub ee Xisbul Islaam, wuxuuna sheegay in Guddoomiyihii hore Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar xilka laga qaaday iyadoo xil-ka-qaadistiisana loo cuskaday qodobo kala ah:


Afhayeenka cusub ee Xisbul Islaam Shiikh Daa'uud Maxamed Abti-doon


In uu jebiyay heshiiskii lagu dhisay xisbul Islaam, kaasi oo ahaa in la’ yahay hal Xisbi, uuna ku dhaqmay wax khilaafsan heshiiskii.

Xisbiga oo galay dagaal uusan amrin maamulka xisbiga, waxna uu ka qaban waayay.

In uu diiday go’aankii iyo bayaankii Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, Xubnaha kale ee Xisbigana ka qancin waayay si waafaqsan Shareecada Islaamka.

Wareegtada Xilka looga qaaday Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa waxaa lagu sheegay ujeeddooyin uu xisbiga hiigsanayo, kuwaasi oo kala ah:

In Xisbigu taageersan yahay go’aankii iyo bayaankii Shirweynaha culimada Soomaaliyeed

In Wadanka lagu xukumo Shareecada Islaamka, wax kalena aan loo baahneyn.

In ay baxaan ciidamada shisheeye ee hadda dalka jooga kuwo kalena aan la keenin, in Itoobiya wadanka si buuxda uga baxdo, dibna aysan ugu soo noqon.

In Soomaalida Arrimaheeda ka tashataa sidii horay loogu aqooni jiray.

In Kooxda Jibouti ay fuliso go’aankii culimada oo ahaa in ciidamada shisheeye ee dalka jooga lagu saaro muddo 4 bilood ah, kuwa kalena aan la keenin

Iyo in Shareecada Islaamka si buuxda loo fuliyo.


Indha-Cadde iyo mas'uuliyiin kale oo ku sugan goobtii lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub


Mas’uuliyiintan xil-ka-qaadista ku sameeyay Dr. Cumar Iimaan ayaa waxay soo saareen baaq ka kooban 7 qodob, kaasi oo u qornaa sidan:

1- In Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaa Mujaahidiina raacaan go’aankii culimada
2- Culimadu waxay dhaxleen Nabiyadii (csws) qofkii diidana waxaa diiday sharcigii Nabiyada (csws).
3- Culimada waxaan u soo jeedineynaa in ay culeys ku saaraan kooxa Jibouti in ay fuliyaan go’aankii ay soo saareen.
4- Xisbul Islaam wuxuu ka soo horjeedaa in la keeno ciidamo kale oo shisheeye, wuxuuna ku talinayaa in kuwa jooga la saaro
5- Xisbiga wuxuu ka soo horjeedaa wax kasta oo khilaafsan shareecada Islaamka
6- Xisbigu wuxuu taageero dhan kasta ah siinayaa ciddii ku dhaqmeysa Shareecada Islaamka.
7- Xisbiga wuxuu ka soo horjeedaa ku tumashada Shareecada Islaamka iyo waxyeeleynta Shacabka Muslimiinta ah naf iyo maalba.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia