3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2009
Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo Muqdisho lagu dilay

Axad, June 07, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha Agaasimihii Idaacadda Shabeelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe, iyadoo sidoo kalena dhaawac loo geystay Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) oo isna wariyayaasha iyo Mas’uuliyiinta Idaacadda ka mid ah.

Madaxa Wararka Idaacadda Shabeelle C/raxmaan Yuusuf Shiikh Al-Caddaala ayaa dilka Agaasimaha xaqiijiyay, inkastoo uu sheegay in aysan ilaa iyo haatan heynin wax faah-faahin ah oo ku saabsan ciddii dilkiisa ka dambeysay.

Alle ha u naxariistee dilka Mukhtaar Maxamed Hiraabe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho isna lagu dilay Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed, kaasi oo ay isna kooxo hubeysan ku dileen gudaha Suuqa Bakaaraha.

Sanadkan oo kaliya ayaa waxaa Soomaaliyalagu dilay seddex wariye iyo labo Agaasime, kuwaasi oo qaarkood si bareer ah loo dilay, halka kuwo kalena ay ku dhacday rasaas ay is-weydaarsaneyeen dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/7/2009 12:37 PM EST
Axad, June 07, 2009(HOL): Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaaam ee dagaalka kula jira xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay, isaga oo intaa ku dary in uu Isniinta subixii qaban doono shir Jaraa’id.

6/7/2009 3:58 AM EST
Axad, June 07, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu magacaabo Shariif Cali Axmed ayaa sheegay in dagaal dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys.

6/7/2009 3:55 AM EST
Axad, June 07, 2009(HOL): Qarax xooggan oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa saaka wuxuu ka dhacay Isgoyska Nasiibuundo ee Degmada Shibis, iyadoo qaraxaasna uu sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartay.

6/7/2009 3:54 AM EST
Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan ilaa laga gaaro deegaanka Kala-beyr oo qiysaastii 25 km, dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay siweyn looga dareemayay dhaqdhaqaayo ay wadaan Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan iyo Ciidamo Soomaali ah oo dhawaan ka soo gudbay dhinaca degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

6/7/2009 3:51 AM EST
Axad, June 07, 2009(HOL): Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

6/7/2009 3:48 AM EST
Axad, June 07, 2009(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay ee hoosyimaada Dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay in dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay ka wadaan xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku wehlinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

6/7/2009 3:47 AM EST
Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Waxaa magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Goballka Hiiraan gaaray Duqii degmada Beledweyne ee Maamulkii hore Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo tan iyo wixii ka danbeeyay markii talada Goballka ay la wareegen kooxaha Islaamiyiinta ku sugnaa degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

6/7/2009 3:46 AM EST
Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Dadweyne gadoodsan oo u badan Dhalinyaro, ayaa shalay galabnimadii gaabnayd isugu soo baxay inta u dhaxaysa Garoonka weyn ee Kubadda Cagta (Hargeisa Stadium) iyo Cusbatalka Edna, oo ay ku gubeen Taayiro. Waxaanay ka cabanayeen Biyo-la’aan ay sheegeen inay la soo deristay.

6/7/2009 3:43 AM EST
Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya Magaalada Bu'aale ee Xarunta Gobolka J/dhexe ayaa saaka ka hadlay xaaladaha Dagaal ee laga cabsi qabo in ay ka qarxaan Gobolada Bay iyo Bakool.