5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2009
Dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud

Jimco, June 05, 2009(HOL):Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa saaka ka dhacay dagaal culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo u dhaxeeyay Xoogag u daacad ah Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo Xoogag u daacad ah Ahlu Sunna oo ka soo horjeeda.

Mas’uuliyiin u kala hadlay labada dhinac ayaa waxay dagaalkan ka sheegteen guulo, iyadoo dhinac kasta uu sheegayo in uu jebiyay dhinaca ka soo horjeeda.

Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Muuse Carraale ayaa BBC-da u sheegay in saaka uu dagaal xooggan ka dhacay deegaanka Wabxo, isla markaana Xoogaggooda oo ku sugan meel deegaanka Wabxo bannaankeeda ah ay weerar soo qaadeen sida uu hadalka u yiri kooxo ay Itoobiya soo adeegsatay, wuxuuna intaas ku daray in ay dagaalka ku jebiyeen kooxihii soo weeraray, ayna ka furteen gaadiid dagaal oo ay ku jiraan kuwo gaashaaman iyo hub kale.

Afhayeen kale oo u hadlay Ahlu Sunna Waljamaaca balse ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa isna u sheegay BBC-da in ay saaka weerar ku soo qaadeen kooxo sida uu hadalka u dhigay islaam la dirir ah, wuxuuna dhinaciisa sheegtay guul ay dagaalka ka gaareen, inkastoo uu carrabka ku dhuftay in uu dagaalka weli socdo

Ma jirto cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijineysa xaqiiqada dagaalka ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Wixii ku soo kordha dagaalka Wabxo ka socda kala soco halkan haddii uu Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya