
Talaado, June 30, 2009(HOL): Bangiga Islaamiga ah ee Dayax ayaa xarun cusub wuxuu maanta ka furtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyadoo horayna uu xarumo ugu lahaa Gobollo ka tirsan Dalka Soomaaliya.
Munaasabad lagu furayay Xarunta Muqdisho ee Baniga Islaamiga ah ee Dayax ayaa waxaa saaka lagu qabtay isla Xarunta cusub ee Bangiga oo ku taalla Daarta Jirde Xuseen ee Degmada Shangaani.
Waxaa ka qeybgalay munaasabadda mas’uuliyiin badan oo ka socday qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo si weyn ula dhacsanaa in Bangi Islaami ah oo qaab caalami ah u shaqeynayo uu xarun ka furto Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Bangiga Islaamiga ah ee Dayax Xarunta Muqdisho Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere), wuxuuna sheegay in Bangigan oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen ganacsato Soomaali iyo Malaysian ah markii ugu horreysay sanadkii 2006 uu xarun ku yeeshay magaalada Boosaaso, iyadoo kaddibna uu xarumo kale ka sameystay magaalooyinka Qardho, Garowe, Gaalkacyo, Beledweyne iyo Muqdisho oo maanta la furay.
Maxamed Dheere waxaa uu intaas ku daray in Bangigan oo qaab casri ah u shaqeynaya ay gacanta ku hayaan shaqaale Soomaali ah oo aqoon durugsan u leh howlaha Bangiyada, kuwaasi oo uu xusay in ay ka soo shaqeeyeen dalka gudahiisa iyo dibaddiisa. Sida uu sheegay Maxamed Dheere Bangiga Islaamiga ah ee Dayax ee waxaa ku lamaansan Xawaalad deg deg ah oo la yiraahdo Dayax Express, taasi oo ay dadka ka helaan adeeg xawaaladeed oo amaano iyo deg deg leh.
Mar uu ka hadlayay qaabka uu Bangigan u shaqeynayo waxaa uu xusay Guddoomiyaha in howsha bangigan ay tahay mid qofkii macaamil ka noqda uu adeegyadiisa ka heli karo meel kasta oo uu Caalamka ka joogo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu u shaqeynayo qaab Bank to Bank ah oo aanu qofka ka xayirmeynin xoolihiisa meel walba oo uu dunida ka joogo.

Intaas kaddib waxaa isna Xafladda ka hadlay Ganacsade Cumar Teerow oo ku hadlayay magaca ganacsatada Soomaaliya, wuxuuna sheegay Cumar in ay farxad u tahay in Muqdisho laga furo Bangi Islaami ah oo qaab caalami ah u shaqeynaya, wuxuuna ballanqaaday in ay ganacsato ahaan hiil iyo hoo la garab taagan yihiin Bangiga Islaamiga ah ee Dayax (Dayax Islamic Bank).
Ugu dambeyntiina waxaa Xarunta Bangiga Islaamiga ah ee Dayax ee Magaalada Muqdisho lagu sharfay in uu xariga ka jaro Ganacsade Cumar Teerow oo ku dhawaaqay in Xarunta cusub ee Bangiga Dayax ee Magaalada Muqdisho ay si rasmi ah u furan tahay.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya