Sabti, June 27, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa faah faahin ka bixisay hub tankiisu dhan yahay 40 tonnes oo ay rasaasna ku jirto, iyadoo hubkaasna uu yahay mid ay Dowladda Mareykanka ugu talagashay in ay ku caawiso dowladda Soomaaliya oo muddo labo bilood ku dhow dagaal kula jirta xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Sarkaal u hadlayDowladda Mareykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in hubkaas iyo tababarro loo fidiyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku kharash-gareysay Dowladda Mareykanka lacag ku dhow 10 Milyan oo Doollar.
Sarkaal kale oo u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wariyayaal ugu sheegay Washington in Dowladda Mareykanka ay hubka siisay Dowladda Soomaaliya kaddib markii xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay bilaabeen in ay weerarro ku qaadan Dowladda aan awoodda badan lahayn ee Soomaaliya.
“Waxaan hub iyo rasaas u dirnay Dowladda Soomaaliya, waxaana ka walaacsan nahay in ay Xoogagga Al-Shabaab la wareegaan gacan ku heynta Soomaaliya, sidaas darteedna waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo aan ku caawin karno Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Sarkaalkan u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay haatan xoogaggooda ka taliyaan inta badan gobollada koofurta Soomaaliya, waxayna haatan doonayaan in ay xukunka ka tuuraan Dowladda Soomaaliya ee lagu soo ballaariyay Dalka Jibouti.
Dowladda Mareykanka waxay intaas ku dartay in ay bixisay dhaqaale lagu tababarayo Ciidamo Soomaaliyeed, iyadoo lacagtaasna soo marsiisay Dowladaha Uganda iyo Burundi oo dalalkooda lagu tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Hubkan ay Dowladda Mareykanka siisay Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dhawaan ka codsatay dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya la deriska ah in ay u soo gurmadaan si ay uga caawiyaan xoogag Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo weerar ku soo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya