5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2009
Dowladda Soomaaliya oo Dalalka Caalamka iyo Dalalka deriska ka codsatay in ay ugu soo gurmadaan muddo 24 saacadood ah

Sabti, June 20, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay Dalalka Caalamka iyo kuwa Soomaaliya la deriska ah in ay muddo 24 saacadood ah ugu soo gurmadaan, isla markaana ay ka badbaadiyaan khatar ay ku jirto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ka codsaday dalalka Soomaaliya la deriska ah in ay muddo 24 saacadood ah ku soo gaaraan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka difaacan dagaalyahanno weerar ku ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in xaaladda Dowladda Soomaaliya ay khatar ku jirto, wuxuuna sheegay in ay gudaha Magaalada Muqdisho ka dagaallamayaan dagaalyahanno shisheeye ah oo uu hoggaaminayo sida uu yiri Janaraal Pakistan u dhashay oo Al-Qaacidda ka tirsan.

“Beesha Caalamka guud, gaar ahaan Dalalka Soomaaliya la deriska ah sida Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Yemen waxaan ka codsaneynaa in ay muddo 24 saacadood ah ugu  soo gurmadaan Dowladda Soomaaliya oo xaalad khatar ah ku jirta”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in ku soo noqoshada Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay mas’uuliyaddooda leeyihiin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo sida uu u yiri dalka Soomaaliya soo geliyay dagaalyahanno shisheeye ah.

Codsigan uu sii daayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dagaallo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ay muddo bil ka badan ka socdaan Magaalada Muqdisho, isla markaana inta badan magaalada Muqdisho ay gacan ku heynteeda la wareegeen xoogaggaas ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya