Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2009


Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya

Isniin, June 01, 2009(HOL): Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamada Booliska Dowladda Soomaliya, kaasi oo marayay inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Tre Piano.

Qaraxaas oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu geystay dhimashada afar Askari oo Boolis ah iyo dhaawac intaas ka badan oo isugu jiray dad rayid ah iyo ciidamo kale oo la socday gaariga qaraxa lala beegsaday.

Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo qadar daqiiqado ah hakad geliyay isu socodkii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, inkastoo mar dambe ay xaaladda caadi ku soo noqotay.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo qaraxaas ka hadashay, inkastoo ay weli waqti hore tahay in faah-faahin dheeraad ah laga helo qaraxaas iyo weliba ciddii rasmi ahaan uga dambeysay.

Ugu dambeyntiina, qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay Xaruntii Keydka Shidaalka, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

 

Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo dib ula wareegay gacan ku heynta Saldhigga Booliska Yaaqshiid

6/1/2009 12:23 PM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Kaddib dagaal culus oo galabta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa waxay ugu suurtagashay xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay la wareegaan gacan-ku-heynta Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid.

Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Garbahaarreey oo Dadka Degmadaas ku dhaqan Amarro ku soo rogay

6/1/2009 7:46 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Wararka lag helayo Degmada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolkaasi Gedo ayaa sheegaya in Amarro lagu soo rogay.amarradan oo ka soo baxay Maamulka islaamiga ah ee magaalada Garbahaaarreey ayaa waxaa Degmadaasi gabi ahaanba laga mamnuucay in goobaha ganacsiga ay furnaadaan xiliyada Salaadda, in ay Dhalinyarada u jartaan timaha si aan sunnada waafaqsaneyn iyo in aysan dumarka qaadan karin dhar jirkooda sawiraya.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

6/1/2009 7:31 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu geystay dhimashada 5 ruux iyo dhaawac 20 ruux ka badan, kuwaasi oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay.

Wasiirka Jaaliyadaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay Soomaalida ku nool Dalka Koofur Afrika

6/1/2009 6:21 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda Dowlada Soomaaliya oo howlo shaqo ujooga Dalkan K/Africa ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Koofur Afrika, isagoo u soo bandhigay Qorshaha Jaaliyadaha Dibadda ay ka dooneyso Dowladdiisu iyo in ay damacsan yihiin in ay wada shaqeyn yeshaan dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Dunida dacalladeeda iyo Dowladda Midnimada Qaran.

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE NAGA SOO GAARAY SOMALILAND (Daawo Sawirro Wararka la socda)

6/1/2009 6:19 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) oo u dhashay Somaliland, isla markaana Gaadhi ku soo maray 18 dal oo Dunida ah, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa.halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Dad Rayid ah oo ku dhaawacmay rasaas ay fureen Ciidamada Nabad-gelyada Magaalada Beledweye

6/1/2009 3:07 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Labo ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay rasaas ay Ciidamada Nabad-gelyada Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ku fureen gaari ay la socdeen dad rayid ah habeennimadii xalay kaddib markii sida la sheegay darawalkii waday gaariga uu dhagaha ka fureystay ammar ay Ciidamada Nabad-galyadu ku siiyeen in uu is taago.

Dagaal ka socda Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid

6/1/2009 2:59 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Saraakiil ka tirsan Maamulkii Isbaheysiga Dooxada Jubba oo sheegay in ay dib u qabsan doonaan Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka oo horay looga qabsaday

6/1/2009 2:58 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Saraakiil ka tirsanaa Maamulka Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo haatan ku sugan Degmada Doolow ayaa sheegay in ay dib u qabsanayaan gobolladaas.

Maxkamadaha Islaamka ee ku biiray Dowladda Soomaaliya oo sheegay in wax laga qaban doono dhibaatooyin ay Ciidamo ka tirsan Dowladda ka wadaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Xaawo Taako

6/1/2009 2:57 AM EST
Isniin, June 01, 2009(HOL): Afhayeenka KMG ah ee Maxkamadaha Islaamka ee ku biiray Dowladda Soomaaliya C/risaaq Maxamed Qeyloy ayaa sheegay in wax laga qaban doono dhac iyo dhibaato ay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ka geystaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Xaawo Taako.




No Winners on the Horizon in Somalia’s Long Battle With Chaos -NY Times

6/1/2009 9:21 PM EST
NAIROBI, Kenya — Somalia is once again a raging battle zone, with jihadists pouring in from overseas, preparing for a final push to topple the transitional government.

Ten killed as fighting ravages Mogadishu -Xinhua

6/1/2009 9:18 PM EST
MOGADISHU, June 1 (Xinhua) -- Ten people were killed, including four policemen whose vehicle was hit by a roadside bomb, while twenty others injured as renewed fighting ravaged south of the Somali capital, Mogadishu, police and witnesses said Monday.

New passport rules in effect at U.S. borders -AP

6/1/2009 9:03 PM EST
BLAINE, Wash. - Fears of stalled commerce and travel didn't materialize at U.S. border crossings Monday as people stayed home or were gently warned on the first day of stricter identification requirements for Americans returning from Mexico and Canada.

Somalia: The threat next door -Daily Nation

6/1/2009 10:16 AM EST
newsinsideThe statement last week of Kenya’s intention to help “crush” the insurgency in Somalia is the strongest government response so far to the crisis in the troubled eastern neighbour.

Raiders Of The Lost Arks -MSNBC

6/1/2009 10:08 AM EST
As the captain of a merchant ship crossing the Gulf of Aden, you realise it’s not going to be a routine day when you look over the side to see a rocket-propelled grenade launcher pointing at you. Piracy, Somali-style, is a thriving international business.

Pirates' glossy lives win admirers in Somalia -Reuters

6/1/2009 9:53 AM EST
HOBYO, Somalia, June 1 (Reuters) - An extravagant convoy of forty 4x4s and four motorbikes escort a young bride to her nuptials at a sandy beach in the Somali village of Hobyo and are used to light up the twilight celebration

Three dead as Somali foes battle -AFP

6/1/2009 9:48 AM EST
MOGADISHU (AFP) — At least three people were killed in the Somali capital on Monday when government forces fired at a police station controlled by insurgents, an official and witnesses said.

French Navy Hands Over Four Pirates, Two Dead, To Puntland -AFP

6/1/2009 9:41 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AFP)--The French navy on Monday handed over four suspected pirates, two of them dead, to Somalia's northern breakaway region of Puntland, officials said.

Roadside bomb kills Somali police -BBC

6/1/2009 9:38 AM EST
At least five Somali policemen have been killed in a roadside bomb blast in the capital, Mogadishu. The officers were driving near a road junction in the south of the city when their vehicle was blown up.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter