
Sabti, July 18, 2009(HOL): Macallimiin tiradoodu gaarayso 350 oo ka kala socday gobollada dalka gaar ahaan kuwa koonfureed ayay jaamacadda Muqdisho u soo gabagabeysay tababar u socday muddo hal todobaad ah iyagoo la guddoonsiiyay shahaadooyinka.
Xaflad lagu qabtay Khamiistii (16-kii July 2009) Hotel Shamoow ee magaalada Muqdisho ayaa lagu gudoonsiiyay macallimiintan oo wax ka dhiga dugsiyada hoose iyo dhexe ee aasaasiga ah isuguna jiray rag iyo dumar shahaadooyin muujinaya tababarkii ay qaateen oo ahaa habka waxbaridda ubadka iyo sidii loola dhaqmi lahaa.
Mas'uliyiinta Jaamacadda Muqdisho iyo xubno kale oo ka socday dalladaha waxbraashada ee dalka ayaa waxay halkaas ka jeediyeen hadallo kala duwan oo ay ku cabirayaan waxbarashada iyo qiimaha ay u leedahay bani'aadamka.
"Jaamacadda Muqdisho ma ahan markii ugu horreysay oo ay tababar u qabato macalimiin Soomaaliyeed oo wax ka dhiga dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Somalia" ayuu yiri Aadan Axmed Xuseen oo ah madaxii tababarkan, isla markaana ah agaasimaha xafiiska guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho.
Aadan wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gobollo dalka ka mid ah ku qaban doonto Jaamacaddu tababar noocan oo kale ah, si loo kor loogu qaado aqoonta waxbarida ee Macallimiinta Soomaaliyeed.
"Intii tababarkan uu socday, waxay macallimiintu qaateen casharo u dhigma inta uu qaato arday muddo saddex ah dhiganayay jaamacadda Muqdisho kulliyadeeda waxbarashada" ayuu yiri hormuudka kulliyada Waxbarashada Jaamacadda Muqdisho Dr. C/llaahi Sheekh Abuubakar oo xafladda hadal kooban ka jeediyay.
Xubnihii kale ee xafladda ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha Daladda Waxbarashada FPENS Bashiir M. Yuusuf (Badal), Diiwaan-hayaha Guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) iyo xubno kale, waxayna dhammaantood ku nuuxnuuxsadeen ahmiyadda waxbarashada.
Qaar ka mid ah macallimiintii guddoomay tababarka dhameystay oo iyaguna hadlay ayaa waxay sheegeen inay aad uga faa'iideysteen tababarkii muddada sitimaanka ah u socday, ayna wax badan ka barteen.
"Waqtiga duruusta iyo macallimiintu waxay ahaayeen kuwo isku dheellitiran, runtiina waxaan kaga mahadcelinaynaa Jaamacadda Muqdisho oo tababarkan soo agaasintay" ayuu yiri mid ka mid ah macallimiintii tababrka dhameystay.
Tababarkan oo sannadkiiba mar ay Jaamacadda Muqdisho u qabato macalimiinta wax ka dhiga gobollada dalka ayaa waxay iska kaashadeen fulintiisa Bankiga horumarinta Islaamka.
Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay (22-kii September 1997) ayaa waxaa ka qalin jabiyay 9-dufcadood oo bartay qaybaha kala duwan ee cilmiga, waxayna qaarkood ka yihiin macalimiin, iyadoo jaamacadda ay kaalinta 40-aad ka gashay Jaamacadaha Afrika, waxayna ka mid tahay lix urur oo kale.




C/naasir Yuusuf Macallin
E-mail: [email protected]
Muqdisho, Soomaaliya