![]() |
| Wasiiru-Dowlihii Isgaarsiinta Itoobiya-Ermias Legesse |
Sida uu sheegay Sarkaalkan u hadlay Dowladda Itoobiya Ermias Legesse ayaa diiday in uu dib ugu noqdo Dalka Itoobiya kaddib markii uu booqasho gaaban oo rasmi ah ku tegay Dalka Mareykanka.
Ermias Legesse ayaa wuxuu dalka Mareykanka ku tegay Dal-ku-gal (Visa) 11 maalmood ah, laakin markii ay booqashadii u dhamaatay dib uguma soo noqon Dalka Itoobiya. Sarkaalkan u hadlay Dowladda Itoobiya oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Wasiiru-dowlihii Itoobiya uusan wax war ah ku soo celin Dowladda Itoobiya.
“Wuxuu doortay in uu halkaas (Mareykanka) iska joogo, waxayna u muuqataa in uu lahaa riyo ah in uu dalka Mareykanka tago”ayuu yiri Sarkaalkan u hadlay Dowladda Itoobiya, kaasi oo intaas ku sii daray in ay mararka qaarkood dhacaan waxyaabo la yaab leh.
Wasiiru-Dowlahan iska dhiibay Dalka Mareykanka oo ku jira da’diisa Sodomeeyada ayaa xilkan loo magacaabay horraantii sanadkan. Wasaaraddan Isgaarsiinta waxaa Wasiir buuxa ka ah Breket Simon oo ah shakhsi ay si weyn isugu dhow yihiin Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.
Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Magaalada Addis Ababa ayaa ka gaabsatay ina y wax faallo ah ka bixiso arrintan, laakin warar laga helay ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in Wasiiru-Dowlaha Isgaarsiinta Itoobiya Ermias Legesse aanan wax xiriir ah laga helin muddo dhowr maalmood.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
