4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 24, 2009
15 Ruux oo ku geeriyootay Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo Ciidamada Amisom oo Duqeeyay Suuqa Bakaaraha

Sabti, January 24, 2009(HOL): Qarax is-miidaamin ah oo khasaare xooggan geystay ayaa wuxuu maanta ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasna lala eegtay Ciidamada Amisom ee Wadadaas ku sugan.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa qaraxaas ku geeriyooday, kuwaasi oo 14 ka mid ah ay ahaayeen Dad Rayid ah oo la socday gaari BL ah oo Wadadaas socday, halka ruuxa kalena uu ahaa askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo joojiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo marayay nawaaxiga Gurigii Shaqaalaha ee Wadada Makka Al- Mukarrama.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaawey oo daqiiqado kadib gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in uu arkay dadka dhintay ee rayidka ahaa, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in la bartilmaameedsado Dadka Rayidka ah.

Rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamada Amisom ee ku sugan Wadada Makka Al-Mukarrama ayaa waxay sababtay dhaawac soo gaaray dad ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo dhaawacooda loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Dhanka kalena, iska hor-imaad ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4 ayaa wuxuu sababay inay Ciidamada Amisom duqeeyaan Suuqa Bakaaraha, iyadoo duqeyntaasna ay geysatay dhaawac soo gaaray dad ku sugnaa Suuqa Bakaaraha gudahiisa iyo daafahiisa.

Cali Muuse oo ka mid ah samafalayaasha la shaqeeya gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Muqdisho ka howlgala aayaa sheegay in ay Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa ka qaadeen dad  dhaawacyo kala duwan qaba oo gaaraya 23 ruux, kuwaasi oo 7 ka mid ah ay ahaayeen caruur yar yar oo ay guryahooda ugu tageen madaafiicdii ay Ciidamada Amisom ku duqeeyeen Suuqa Bakaaraha.

Duqeyntan khasaaraha geysatay ee ay Ciidamada Amisom ka geysteen Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Wasiirka Gaashaanshigga Uganda Dr. Crispus Kiyonga  uu sheegay in ay Midowga Afrika ka doonayaan 14 Milyan Doollar, taasi oo loogu qiimeynayo hubkii ay ku isticmaaleen Magaalada Muqdisho labadii sano ee aynu ka soo gudubnay.

Haddaba waxaa cajiib ah in Dowladda Uganda ay warsaneyso Midowga Afrika  lacag mag-dhow ah oo ay ku rabto hub ay ku isticmaashay Magaalada Muqdisho, kaasi oo qaarkiis la ogyahay in uu galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo aaney jirin cid u doodeysa in mag-dhow laga bixiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia