Ururka Al-Shabaab oo sheegay in uu ka qeyb-qaadanayo Dib-u-dejinta Dadkii Muqdisho ka barakacay

Arbaco, January 21, 2009(HOL): Dhadhaqaaqa Al-Shabaab ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu ka qeyb-qaadanayo dib-u-dejinta Dadkii Muqdisho ka barakacay.

Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo Ururka Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan sidii Dadkii Muqdisho ka barakacay loogu suurtagelin lahaa in ay guryahooda ku soo noqdaan, wuxuuna caddeeyay in ay gacan ka geysan doonaan dayactirka guryihii dadkaas ka burburay.

“Kaliya kuma ekaan doonno Miino-saaris iyo Nadiifinta Waddooyinka ee waxaan gacan ka geysan doonna in aan dib u dayactiridda guryihii dadka Shacabka ka burburay intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhawaan wuxuu ka bilaabay Wadada isku xirta Isgoysyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalan Miino-baaris, Bacaad-celin iyo Jarista geedo ka baxay, wuxuuna Ururka sheegay in ay howshaas tahay mid ay ugu adeegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxay maqli jireen mas’uuliyiin u hadlaya Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo sheegaya in ay dagaallo qaadi doonaan, halka ay haatan maqlayaan mas’uuliyiintaas oo sheegaya in ay qabanayaan adeegyo dhinaca bulshada ah.

War la xiriira Warkan:
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo Miino-baaris ka bilaabay meelihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya-HOL

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia