Shiikh Shariif oo Muqdisho ku laabtay, kana hadlay waxaayabah uu socdaalkiisa ku saabsan yahay

Isniin, January 19, 2009(HOL): Waxaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya (Garabka Jibouti) Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Shiikh Shariif iyo Wafdigiisa oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa markii ay gaareen Hotelka Lafweyn ee ay Muqdisho ka degan yihiin waxaa halkaas shir jaraa’id ku qabtay Shiikh Shariif oo ka hadlay waxyaabaha uu ku saabsan yahay socdaalka ay ku yimaadeen Xamar.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay u yimaadeen oo dhowr qodob ah ay ugu muhiimsan yihiin in ay u hambalyeeyaan dadka Muqdisho oo u dhabar-adeygay sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka isaga saari lahaayeen, inay la kulmaan Waxgaradka, Culumaa’udiinka iyo cid kasta oo muhiim ah marxaladda cusub ee la wajahayo iyo in la xoojiyo xiriirka u dhaxeeya TFG iyo ARS, gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga.

“Waxaan leeyahay aan si wanaagsan u fikirno, aana ka shaqeyno sidii nabadda la helay darfaha loogu dhegi lahaa”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay dhibaatada gacanteeda isaga saarto bacdamaa ay asalka dhibaatada ay iyadu tahay.

“Shacabka Soomaaliyeed dhibaato uma baahna, wuxuu u baahan yahay in la caawiyo oo garab la siiyo, ciddii wax gaar ah u muuqdaan waxaa lagama maarmaan ah in  waxa ay dooneyso ay wada hadal iyo walaalnimo u wajahdo”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Ugu dambeyntiina, Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa ku baaqay in la isu laabto oo walaalnimada iyo ehelnimada la isku ogolaado, qofkii fidno wadana gacanta la qabto, qof walba doorka uu leeyahay uu qaato.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia