5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 16, 2009
Dad badan oo isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium


Jimco, January 16, 2009(HOL): Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxay isugu soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium oo muddo labo sano ah ay ku sugnaayen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Isu imaatinkan oo uu soo qaban qaabiyay Guddiga Culumaa’udiinka Musaalaxada iyo Sixitaanka ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan oo da’aad kala duwan isugu jiray, kuwaasi oo Salaaddii Jimcaha kadib isugu tegay Garoonka Muqdisho Stadium.

Markii ay Dadka isugu soo uruureen Garoonka ayaa waxa la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Musaalaxada iyo Sixitaanka Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo dadkii isugu soo baxay Garoonka ku booriyay in ay Allaah uga mahad-naqaan Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee uu ka dul-qaaday, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid sheegan karta guusha u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, marka laga reebo in uu mahaddaas leeyahay Allaah SWT.

Shiikh Bashiir waxaa uu intaas kadib u mahadceliyay dadkii u soo halgamay in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray  qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay dagaalladii dhacay, kuwii ku dhaawacmayna uu u rajeeyay Caafimaad.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Shiikh Bashiir

Waxaa ku xigsaday oo dadkii isguu soo baxay Garoonka Muqdisho Stadium la hadlay Shiikh Nuur  Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Musaalaxada iyo Sixitaanka, wuxuuna Shiikh Nuur sheegay in shalay oo ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Magaalada Muqdisho loogu magac-daray MAALINTA GUUSHA, sidaas darteedna wuxuu dadkii isu soo baxay faray in ay Allaah u mahadceliyaan, una towbad keenaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay iyana gacan ka geysteen sidii ay Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya u baxeen, kadibna waxaa uu u mahadceliyay dadkii ka qeybqaatay dagaalladii lala galay Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo uu u kala qaaday kuwo dagaalka toos u galay oo hubka qaatay iyo kuwo maalkooda iyo maskaxdooda ku bixiyay.

Shiikh Nuur Baaruud waxaa uu intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed muddo dheer lagu hayay dagaal dhinaca ku dhaqanka Diinta Islaamka, wuxuuna taasi tusaale ugu soo qaatay  inta jeer ee la soo farageliyay iyagoo doonaya in ay Shareecada Islaamka isku xukumaan. Xalka Soomaaliya ayuu sheegay Shiikh Nuur Baaruud in uu ku jiro ku dhaqanka Kitaabka Alle iyo in ay Dadka Soomaaliyeed dhistaan Dowlad ku dhaqeysa Kitaabka Alle.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Shiik Nuur Baaruud

Waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad. Xaad waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Kitaabka Alle qaataan, Allaah ku shukriyaan, is-cafiyaan, isu tanaasulaan.

Waxaa uu sheegay Xaad in dhibaatooyin ka dhacay Soomaaliya ay sabab u ahayd iyadoo aan talada la wada lahayn, wuxuuna ka digay in ay taasi dib u soo noqoto, in la wada-tashado oo aan la is-quursan ayuuna ku baaqay. Sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka u soo galeen Soomaaliya ayuu ku tilmaamay Maxamed Xasan Xaad in ay Soomaalida fursaddaas bixiyeen kadib markii ay wax isu quuri waayeen.

Dhiig dambe oo daata iyo qax dambe oo yimaada ayuu ka digay Xaad, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ku imaan karto haddii ay dadka Soomaaliyeed aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay iska saaraan mad-madowga ku kala dhex jira.

Halkan ka dhegeysto
Hadalka Maxamed Xasan Xaad

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo dhinaca kale ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa isagoo ku hadlayay magaca ganacsatada waxaa uu sheegay in ganacsatadii Soomaaliyeed ay dalka Soomaaliyeed isaga baxeen, ayna aadeen Jibouti iyo meelo ka fog, wuxuuna intaas ku daray in ganacsatada ay leeyihiin waxaan u eedownay Maxkamadaha Islaamka oo aan ku bixinay dhaqaalaheena, taageeradeena ugu badanna aan siinay.

Abwaan Abshir Bacadle waxa uu intaas kadib jeediyay gabay yar oo uu kula dardaarmayay Dadka Muqdisho wuxuuna yiri:

Gaaladii haddey naga baxday
Guushu ina raacday
Guryihiina dega
Oo rabigey mahad ka gaarsiiya
Nin walba waxa uu galo
Iyo wuxuu gudana geliya taariikhda

Mujaahidiintii maalmahan
Kala maroortayey midow

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Abwaan Abshir Bacadle

Ugu dambeyntii waxaa isu soo bixii soo xiray Hoggaanka Midowga Maxkamadaha Islaamka ee gudaha Soomaaliya, kana mid ah Guddoomiye ku xigennada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar. Shiikh C/qaadir waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku shukriyaan nimcada uu Allaah siiyay, wuxuuna caddeeyay in loo baahan yahay in farsamo-darro aawgeed aysan nimcadaas isaga daadin.

Shiikh C/qaadir waxaa uu sheegay in shalay (xiligii Maxkamadaha Islaamka ay talada hayeen) ay jirtay farsamo xumo dhacday, taasi oo uu xusay in ay diyaar u yihiin in ay saxaan, isagoo caddeeyay in qofka bani’aadamka ah uu qaladaad galo hayeeshee marka uu qalad ka dhaco laga rabo in uu Allaah u noqdo.

Waxaa kale oo  uu sheegay Shiikh C/qaadir Cali Cumar in loo baahan yahay in Dadka Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan Shareecadaha Islaamka, dadka Mujaahidiinta ahna ay ka dambeeyaan Shareecadaha Islaamka iyo Culumaa’udiinka, Umaddana ay wanaag u hor-kacaan.

Waxaa uu ka digay shirqoollo uu cadawga Soomaaliyeed ka wado dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, kuwasi oo uu caddeeyay in looga gudbi karo haddii ay dadka Muslimiinta ah ku xirnaadaan Allaah.

Waxaa uu ka hadlay cabsida dagaal ee ay qabaan Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in aysan jiri doonin dagaallo dhexmara xoogagga Muqaawamada, wuxuuna ku baaqay in aaney dib dambe u soo noqon warar horay u soo baxay oo ahaa in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ay Dagaallamayaan iyo in ay Maxkamadaha iyo Al-Shabaab dagaallamayaan.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Shiikh C/qaadir Cali Cumar

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Intii ka hadashay isu soo bixii maanta ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay gebi ahaantood ka mideysnaayeen in aaney jirin doonin dagaallo dhexmari doona xoogagga muqaawamada ee la wareegay meelaha ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia