5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2009
Iska hor-imaad goor dhaweyd ka bilowday inta u dhaxeysa Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay ee Magaalada Muqdisho

Isniin, February 23, 2009(HOL): Iska hor-imaad la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka bilowday inta u dhaxeysa Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada  Boondheere iyo Isgoyska Siinaay ee Wadada Jen. Daa'uud ee Magaalada Muqdisho.

Iska hor-imaadkan ayaa wuxuu dhexmarayaa Ciidamo ka tirsanaa Dowladdii TFG-da iyo Ciidamo kale oo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo haatan la sheego in ay ka wada tirsan yihiin Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan Dadka Deegaanka dagaalka uu ka dhacayo iska hor-imaadkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Rag ku labisan Dharka Ciidamadii TFG-da oo ku sugana Degmada Boondheere ay saaka dileen Nin Ganacsade ah, iyadoo kadibna ay weerareen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Isgoysyada Florenza iyo Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha dagaalka kala soco halkan haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia