Jimco, February 20, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa daqiiqado ka hor waxaa uu daqiiqado ka hor ku magacaabay Guriga Umadda ee Jibouti Xubnaha Xukuumaddiisa.
Wasiirrada uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo gaaraya 36 Wasaaradood ayaa waxay u badan yihiin wejiyo cusub, waxaana ku jira xubno yar oo ka tirsanaa Dowladdii TFG-da
Magacyada Wasiirradda iyo Wasaaraha loo magacaabay
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi:
Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Shariif Xasan Shiikh Aadan:
Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Maaliyadda
C/Waaxid Cilmi Goon-jeex:
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka
Maxamed C/llaahi Oomaar:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Prof. Maxamed Cabdi Gaandi:
Wasaaradda Gaashaandhigga
Shiikh C/qaadir Cali Cumar:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Col. Cumar Xaashi Aadan:
Wasaaradda Amniga Qaranka
C/raxmaan C/shakuur Warsame:
Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Madoobe Nuunow Maxamed:
Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
Shiikh Cali Aadan:
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
Fowsiyo Maxamed Shiikh:
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim:
Wasaaradda Gargaarka iyo Aadamiga
Farxaan Cali Maxamuud:
Wasaaradda Warfaafinta
Maxamed Cali Xagaa:
Wasaaradda Cilmi-baarista iyo Tiknoolojiyada
Qamar Aadan Cali:
Wasaaradda Caafimaadka
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye:
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
C/llaahi Axmed Cabdulle Azhari:
Wasaaradda Jaaliyadda Dibadda
Axmed C/llaahi Waayeel:
Wasaaradda Warshadaha iyo Barbaarinta
Maxamed Cabdi Yuusuf:
Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
Khadiijo Maxamed Diiriye:
Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga
Saleebaan Colaad Rooble:
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga
Abuukar Cabdi Cusmaan:
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow:
Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud:
Wasaaradda Beeraha
Maxamed Ibraahim Xaabsade:
Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
Maxamed Mursal:
Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabeynta
Prof. Ibraahim Xasan Caddow:
Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare
Cabdalla Boos Axmed:
Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
Xuseen Ceelaabe Faahiye:
Wasaaradda Dib-u-dhiska
Maxamed Xuseen Saciid:
Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur-joogta
C/risaaq Cusmaan :
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
C/rashiid Cirro:
Wasaaradda Ganacsiga
C/raxmaan Jaamac:
Wasaaradda Warshadaha
Cali Jaamac Jengeli:
Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
Burci Xamza:
Wasaaradda Deegaanka iyo Ilaalinta Bii’ada
Waxaa harsan oo marka ay Dowladda Xamar u guurta la magacaabi doonaa Wasiir ku xigeenno aan iyana tiro-yareyn, kuwaasi oo ka mid noqon doona Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay iyana jiri karaan Wasiiru-Dowlayaal.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia